Published On: Sat, Mar 2nd, 2019

Goolhaye Kepa oo Dhibaato wayn ka dhex abuuray Chelsea…

26 Feb 2019. Falkii Amar diidada ahaa uu sameeyay Kepa Finalkii Carabao Cup ay City Rigoorooyinka ku qaaday Manchester City ayaa dhibaato ka dhex abuuray Chelsea iyadoo ay labo saf u kala jabeen xididgaha kooxda.

Yeelkeede, xiddigaha Chelsea ayaa la warinayaa inay ku kala qeyb sameyn falkii uu ku kacay Kepa oo qaar maa aad ugu careysan halka kuwa kalena ayba ku taageersan yihiin.

Warsidaha caanka ah ee Sportsmail ayaa fahansan in falkii amar diidada Kepa Arrizabalaga uu sababay kala qeybsanaan dhanka qolka dharbadelashada Chelsea.

Warsidaha ayaa sidoo kale fahansan in Goolhaye Caballero oo badel ku soo gali lahaa ciyaarta uu si gaar ah ugu careysan yahay Kepa maadaama uu u diiday fursadii uu garoonka ku soo gali lahaa isla markaana uu muujiyay isla sarreyn.

Laakiin waxaa la sheegayaa in ciyaartoyda qaar ay la safteen goolhaye Caballero iyo tababare Sarri halka kuwa kalena ay taageersan yihiin Kepa  Arrizabalaga.

Maamulka sare ee Stamford Bridge ayaa iminka ka shaqeynaya sidii ay u damin lahaayeen khilaafka Sarri iyo Kepa iyagoona ka hor tagaya inuu dagaalkooda u soo shaac boxo sida kii Antonio Conte iyo Diego Costa ee  2017.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved