Published On: Fri, Apr 24th, 2015

Gerrard Iyo Lampard Oo Lagu Sharfi Doonaa Wixii Ay U Soo Qabteen K/Cagta Ingariiska Ka Hor Inta Aysan Mareykanka Aadin.

article-24 04 2015

Steven Gerrard iyo Frank Lampard ayaa abaalmarin shaarfeeydo gaar ah ka heli doona xiriirka ciyaartoyda Ingariiska ee PAF habeenka axada, madaama ay xagaaga soo gabagabeynayaan waayahoodii dheeraa ee horyaalka Premier League, sida ay ogaatay jariirada Daily Mail.

Xiriirka ciyaartoyda ayaana ku sharfi doona labada ciyaaryahan waxyaabihii cajiibka ahaa ee ay ku soo kordhiyeen kubada cagta Ingariiska marka ay qabanayaan xafladooda sannadlaha ee lagu bixinayo abaalmarinta xiddiga ugu fiican kubada cagta Ingariiska xilli ciyaareedkan.

Labada nin ayaa wajahoodii England soo gabagabeynaya iyadoo Gerrard iyo Lampard ay u amababaxayaan dhamaadka xilli ciyaareedkan Mareykanka.

Kabtanka Liverpool Gerrard ayaa ku biiraya kooxda LA Galaxy, halka Lampard uu ku biirayo kooxda ku cusub horyaalka Mareykanka ee New York City FC.

PFA ayaana sharfi doonta labadaan halyeey habeenka ay bixinayaan abaalmarinta xiddiga sannadka kubada cagta Ingariiska. Labada nin ayaa wadar ahaan ku soo guuleystay 19 koob oo ay ku jirto labo Champions League iyo labo Uefa Cup ama Europa League.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved