Published On: Fri, Aug 18th, 2017

GEERI NAXDIN LEH: Guddoomiyaha Garsoorayaasha Soomaaliya oo la toogtay.

17 Agoosto 2017

 

Inaa lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, waxaa caawa muqdisho lagu dilay guddoomiyihii waaxda garosoorka xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Garsoorayaasha Soomaaliyeed mudane Cusmaan Diraac ayaa Dabley hubeysan waxay ku dileen Degmada Warta Nabada gaar ahaan Xaafada Xamar Bile.

Image may contain: 3 people, people standing, outdoor and nature

Sida ay noo xaqiijiyen dad goobjooyaal ah marxuumka ayaa ka soo baxay salaada cisha ee caawa fiidkii waxaana loola cararay isbtiaal hasa yeeshii dhaawicii soo gaaray ayuu u geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cusmaan Jaamac Diraac wuxuu ku dhashay gobolka Galgaduud gaar ahaan dagmada Dhuusa Mareeb wuxuuna mar u matalay gobolka goolhaye, isagoona ku soo biiray waaxda garsoorka markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya wuxuuna kulamo badan ka soo qabtay wadamada Africa.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved