![]() | ||
![]() |
XAFLADDII XIRITAANKII GAROONKA SOLLENTUNA OO LAGU QABTAY RESTAURANT BLUE MOON OO KU TAALO RINKEBY Waxaa xalay oo ay taariikhdu ahayd 1/05/2010 la soo gabagabeeyay casho sharaf aad loo soo agaasimay laguna qabtay makhaayadda cusub ee loo yaqaan.Restaurant Blue Moon oo mar dhowayd laga furay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm. Casha iyo xafladda oo wada socday waxay ahayd mid dhaqan u ah dhallinyarada cuslaatay ee ku cayaara garoonka Sollentuna, waxaa jirtay xilli xafladaan oo kale lagu qaban jiray garoonka lagu cayaaro, waxaa xigay makhaayado shisheeye, dugsiyo iyo xarumo kale oo badan. Waa ILAAH mahaddiis in aan caawa ku qabsanno makhaayad soomssliyeed iyo cunno aad u macaan. Xafladdaas waxaa ka soo qayb galay cayoortoydii cuslaatay iyo kuwa dhaalinyarada ah ee fudud iyo marti sharaf kale oo magac ku leh isboortiga soomaaliya. Waxaa furay oo xiriiriye ka ahaa Enj: Maxamed Cabdiraxmaan Oorso oo erayo soo dhowayn ah ka jeediyay, ka dibna wuxuu hadalka siiyay cayaaryan u cayaarir jiray kooxda Bataroolka Ummadda Sheekh Cabdirashiid Xasan oo ku furay aayado Diini ah kana sheekayay wakhtiga maanta lagu jiro oo uu ku sheegay xilli fidno ah. Waxaa lagu soo dhoweeyay hadalkii Kabitaano Cawad oo ahaa cayaaryahankii weynaa ee caanka ahaa ee naadigii badda ama dekadaha kana tirsanaa xulka qaranka soomaaliyeed wuxuu aad u tibaaxay inaan lagu ekayn kulamada iyo tartamada qaboobaha oo kaliya ee xagaagana ama kulaylahana la is arko oo lala tartamo degmooyinka u dhow Stockholm iyo nawaaxigeeda, isagoo aad ugu faraxsanaa ka soo qayb galka casuumaddaas aadka u quruxda badnayd kana yiri kalmado muhiim ah. Waxaa si qurux badan u qaatay Maxamed Cadde oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay kulankaas cashada la isugu yimi, gaar ahaan cayaaraha iyo caafimaadka jirka, waxaana aad looga hadlay in lagu dadaalo sidii loola dhiirri gelin lahaa dhibaatooyinka uu leeyahay culayska iyo cayilka jirka, qabiilka iyo qabyaaladda, kubbad keliya inaan la dhiirra gelinin ee la amaano ama la ayido qaybaha kale ee cayaaraha sida: dabaasha, kubbadda koleyga, oroddada, jir dhiska, legdinta, feerka imw, lagana soo bilaabo tayadiisa iyo xoojintiisa guriga iyadoo la gaarsiinayao ilaa bulshada. Waxaa kulankaas la isku dhaafsaday hadiyado, abaalmarino, tahniyado loo dirayay dadkii ka soo shaqeeyay howshaan, mahadcelin guud iyo mid si gaar ah oo la isugu tabinayay, ammaan oo keliya ma jirin, waxaa kaloo la is tusay canaan iyo dhaliil la soo jeediyay, in la saxo wixii la khalday oo dhan loogana faaiidaysto inay noqoto khibrad oo aysan noqon caqabad iyo dib udhac.
Waxaa Cumar Cartan oo goobjoog ka ahaa cashdaas uu yiri in ay tahay balwadda ugu fiican uu yeesho qof aadane ah isagoo ka taariikheeyay qiimaha ay leeyihiin tartamada noocyadiisa kala duwan, marar qaarkoodna la isku caatayn karo lana isku da' yarayn karo. Cumar wuxuu ahaa rug cadaa isboorti kana tirsanaa cayaartoydii cuslaatay ee ku cayaari jiray garoonka sollentuna.
Gunaanadkii kulanka cashada oo aad u wanaagsanaa ayaa waxaa soo xiray hadalkiina qaatay Axmed Maxamed oo ku magac dheer (Axmed Sollentuna) oo ku dheeraaday kalmadihiisii jeclaystayna inaan lagu kala tegin cashadii iyo kulankii xiisaha laha isagoo duco u diray dhammaan ummadaha muslimiinta iyo kuwa wanaagga jecel, wuxuu si gaar ah ugu duceeyay dalkeenii soomaaliyeed inuu dhibka sannado jirsaday ILAAH ka qaado AAMIIN. TAARIIKH YAR OO KOOBAN Garoonka sollentuna wuxuu ku yaallaa xaafadda Sollentuna ee magaalada Stockholm, waxaa la bilaabay in lagu cayaaro muddo aad u fog laga soo bilaabo qaboobihii 1990kii ilaa iyo hadda 2010, wuxuuna ahaa garoomada ugu horreeyay ee magaalada Stockholm ee lagu qabto kulammada iyo tartannada ay isku arkaan dhallinyarada fudud iyo kuwa cuslaaday, iyagoo intaa ay u dheerayd is dhaafsi fikir, talo iyo faaqidaadda cayaaraha oo ay kaga soo gudbeen caqabadihii qalalafsanaa ee jiray xilligaas dal iyo dibadba. Kubbadda waxaa u dheera dhallinyarada is dhexgal iyo isfaham dhan walba ahaa, taasoo looga gudbayay xilli xaaladda dalka uu ku jiray dagaal sokeeye, cayaaruhuna ay ka hufun yihiin xumaanta oo dhan. Garoonka wuxuu soo maray marxalado kala duwan (garoomo gaaraya ilaa 5 garoon oo horey loogu soo cayaaray) iyo maamul kala duwan iyo cayaartooy aad u badan oo hadda jooga iyo qaar kale oo maqan, wuxuuna u soo jeediyay Bogga Cayaarahaswedan.com hambalyo iyo in ay sii wadaan isku xirnaanta, xiriirka, wadajirka ay hadda ku amaanan yihiin. Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh Stockholm-Sweden |
|