Published On: Tue, Sep 1st, 2015

Garoonka Lagu Qabanayo Finalka Champion-ka Oo Lagu Dhawaaqay.

01 09 2015

italy11-286Ururka kubadda cagta qaarada Yurub ayaa shaaca ka qaaday garoonka lagu qabanayo finalka Champion-ka ee xili ciyaareedka 2015/2016-ka , waxaana nasiib u helay garoonka San Siro ee magaalda Milano ee Italy

Garoonkaan San siro ayaa waxaa wada leh kooxaha Inter Milan iyo AC Milan ee horyaalka Italy.

Finalkii xilli ciyaareedkii hore ayaa lagu qabtay Barlin waxaana wada ciyaaray Barcelona iyo Juve iyadoo ugu dambeyn ay Barcelona qaadeen Champion-ka

Waxaa garoonkaan San Siro lagu tirayaa garoomada ugu fiican yurub marka laga hadlayo baaxadda iyo adeegga uu leeyahay waxaana horay loogu qabtay kulamo muhiim ah

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved