Published On: Thu, Jan 18th, 2018

Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo lagu kala cararay +Sawiro.

18 01 2018

Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, waxaana si degdeg ah looga daad-gureeyey jamaahiir badan oo daawanayay ciyaarta.

Ciyaarta oo maraysa qaybtii hore dhamaadkeeda, ayaa waxa 1-0 lagu hoggaaminayey FC Porto, hase yeeshee, garoonka oo ay ku sugnaayeen 8,000 taageereyaal ah ayaa la ogaaday in mid ka mid ah tiirarka haya qaybta sare uu dillaacay cabbir dhan 2CM, taas oo keentay halis ah in garoonku dumo.

Wariye ka tirsan Sport TV oo ku sugnaa garoonka ayaa sheegay in xaaladda garoonku noqotay mid aan degganayn, kaddib markii la galay xaalad degdeg ah oo kala-yaac ah.

Garoonkan oo la dhisay sannadkii 1939-kii, ayaa waxa taageereyaasha fadhiyey ka mid ahaa 2,500 qof oo taageereyaasha Porto ah, kuwaas oo la socday kooxooda oo ay sacab ku xoojinayeen.

Qaybta labaad ee aan la ciyaarin ayaa waxa maalin kale la ciyaari doonaa, waxaana muddayn doona xidhiidhka kubadda cagta.

War-saxaafadeed lagu baahiyey website-ka kooxda Estoril, ayaa waxa lagu sheegay in kulan ay yeesheen Xidhiidhka kubada cagta Portugal, Estoril Praia iyo FC Porto ay isla qaateen in ciyaartaasi aanay sii socon karaynin, xaaladda garoonka oo aan ammaan ahayn darteed.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved