Published On: Sun, Dec 25th, 2016

Galmudug oo Ka badisey Puntland & Banaadir oo Dhulka la Sintey Jubbaland +SAWIRRO

25 12 2016

Tartanka Kubadda Koleyga haweenka Maamul goboleedyada ayaa waxaa uu si xiso badan uga soconayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada garoowe waxaana iminka soo gaaray heerkiisii Ns dhamaadka oo afar kooxood isugu soo hareen.

Kulamadii ugu danbeeyey ee Groupyada waxaana kulankii koowaad uu dhexmaray Kooxaha Galmudug & Puntland kulankaasi oo labada koox u dheelayeen kaalinta koowaad iyo labaad maadama ay guulo soo kala gaareen, waxayna ciyaartaasi kusoo dhamaatay 44-20 oo ay guushu ku raacdey Galmudug State sidaana kaalinta koowaad ugu soo bexeen groupka, halka Puntland kaalinta 2-aad ay kusoo gudubtey.

Kulanka labaad wuxuu u dhexeeyey Banaadir iyo Jubbaland iyadoo kulankaa oo Group B ka tirsanaa score record ah ay ku badiyeen kooxda Gobolka Banaadir 62-17 dhibic sidaana kooxda Jubaland isaga hartey tartanka markii kulankii labaad la garaacay Banaadir ayaana koowaad kusoo baxdey halka Hir Shabeelle ay kaalinta labaad kusoo gudubtey.

Afarta Kooxood ee soo gudbey ayaa waxay Semi Finalka u dheeli doonaan Galmudug vs Hir Shabeele iyo Buntland vs Banaaadir labadii koox soo gudubtana waxay Final dheeli doonaan Galabnimada ISniinta ah 27-ka bishan.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved