Published On: Mon, May 25th, 2015

Gabdhahii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliya oo Finland ku qaatay Kulamo Xiiso Leh Sameeystayna Maamul ay Leeyihiin 21 sano ka dib (SAWIRRO)

FREDAG 22 APRIL 2011

shirweyne1Waxaa magaaladda Helsinki ee caasimadda Finland ka dhacay shir taariikhi ah oo markii ugu horeysay ka dhaca qurba ama gudaha Soomaaliyaba,shirkaas ayaa waxaa isugu yimid gabdhihii xulka qaran iyo heerka koowaad ee kubadda koleyga Soomaliyeed.
Shirka ayaa waxaa  uu ka socdey magaalada Helsinki muddo afar maalmood ah,shirkan ayaa waxaa uu ka koobnaa qaybo badan oo maalintii koowaad waxaa ay ahayd mid soo dhaweyn ah, maalintii  labaadna waxaa ay ahayd iswaraysi iyo warbixino,maalintii sedexaadna waxaa uu shirka ahaa mid ay gabdhaha kusuubsanayeen maamul cusub oo ay yeeshaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga iyo guud ahaanba isboortiga qaybihiisa kaladuwan,maalintii ugu danbeeysana waxaa ay ahayd maalin ay martisharaftii ku laabanayeen wadamadii ay kakala aadeen.

Shirkan ayaa waa isku xiriiriye bilowgii ka ahaa Maxamuud Sujaac oo kusoo dhaweeyey Gabdhihii hore ee xulka qaranka iyo Macalimiintii qaranka iyo masuuliyiin ka socotay XSKK iyo GOS-ba. ka dib ayaa waxaa uu Maxamuud Sujaac siiyey Min Shandaqiiqo gudigii soo qabanqaabiyey ee kala ahaan Ururka Kanava,EuroSom iyo Sateenvarjo,waxaana xubnihii magacyadaas ku hadlay ka mid ahaa,Abdiqadir Gudoomiyha Kanava,EuroSom IBraahim Ahmed Takar iyo Sateenvarjo Said Jamac.
Shirkan ayaa waxaa uu lahaa workshop kasoo oo looga hadlayey laba arimood oo kala ahaa:

1.Sidee loo hormarinkaraa isboortiga Guud ahaan gaarahaan kubadda koleyga.

2.Wadadee loo marikaraa horumarintaas.

Workshopkan ayaa waxaa kasoo baxay wax badan oo aan isdhihi karno waxaa ay noqondoonaan kuwo lagu hormariyo kubadda koleyga.

Maalintii sedexaad ayaa waxaa loo gudbay shirkan qaybtiisii ugu weynayd uguna muhiimsanayd oo ahayd shirka qaybta ay gabdhaha kusamaysanayeen urur ay isku maamulaan isla mar ahaantaan ay isaga warqabaan dhamaantood.


Shirkan Gabdhaha ayaa waxaa kasoo baxay arimmo dhowr ah oo aan isleenahay waa kuwo muhiim ah,waxaana ay kala yihiin

1.Inay samaysteen maamul ay leeyihiin gabdhihii hore ee kk.

2.Inay diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan XSKK iyo GOS-ba wixii horumarinta isboortiga kusaabsan

3.Inay si joogta ah ula xiriiraan gabdhihii hore ee kubadda koleyga ee ku dhibaataysan wadankii hooyo.

4.Inay soo ururiyaan gabdhihii hore iyo kuwa cusub ee kubadda koleyga.

Shirkan ayaa waxaa qayb weyn kasoo qaatay abaabulkiisa aana isleenahay waxaa uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyey kaalinta halyeeynimo ee uu kasoo qaatay qabsoomida shirkan Macalinkii Qaranka Gabdhaha Soomaliieed Macalin Shiine Mxamed Guhaad,wxaa sidoo kale kaalin buuxda ka qaatay Macalinka Macalimiintoodsa Macalin Sacad Cumar Geedi,waxaa sidoo kale kaalin aan lailobi karin ka qaatay Maxamed Muqtar


Shirkana ayaa waxaa dhinaca Taleefonka kaga soo qaybgalay Gudoomiyaha GOS mudane Aden Haji Yabarow Wiish oo gabdhaha hambalyo ugu horeeyn usoo jeediyey  ka dibna kula dardaarmay inuu shirkooda u najaxo isla mar ahaantaana laga arko wax qabadkooda. Sidoo kale waxaa Halakaas ka hadlay Gudoomiyaha XSKK mudane Ibrahim Haji Hussein Rombo oo isgana sidaas oo kale hambalyo usoo jeediyey gabdhaha kadibna kula dardaarmay inay gabdhaha Soomaaliyeed ee jecel ciyaarta kubadda koleyga haysana jaaniska ay haystaan kuwa qurba joogta ah inay soo kaalmeeyaan waxna u qabtaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga. Waxaa sidaas oo kale kasoo hadlay laba ruug cadaa Xoghayihii hore ee GOS ahaana macalinkii gabdhaa xulka qaran e e kubadda kloeyga Mudane Ali Osman oo isgana dardaaran dheer iyo weli waxqabad kula dardaarmay gabdhahaas ugu danbeeyntii waxaa qadka Taleefonka kaga soo qaybgalay Garsoore Caalmai aha muwaadin Soomaaliyeed jeclna horumarka isbooriga guud ahaan gaar ahaan kubadda koleyga waa Osman Halane isgana waxaa uu sidaas oo kale gabdhaha kula dardaarmar wax qabad dhab ah.

Gabagabdii shirkan ayaa waxaa lasoo bandhigay magacyadii ururka cusub ee Gabdha kubadda koleya  ay yeesheen isla mar ahaantaan halkaas lagu soo gabagabeeyey shirkii koowaad ee Gabdha kubadda koleyga Soomaaliyeed.

Xubnaha Lagu Doortay Shirweynaha 1aad ee Gabdhihii Hore K/Kolayga Soomaaliyeed

Guddigii Sare gabdhahii hore  ee k.koleyga

1.Miski Omar Osman ( Hubar)               Guddoomiye

2.Hawa Mohamud Cabdulle                   Guddoomiye kuxigen

3.Saida Nur Abukar(Wariiri)                  Guddoomiye kuxigen/Wakiilada canada

4.Geni Hassan Nur                                 Guddoomiye Kuxigen/Wakiilada Minisota

5.Barlin Mohamud Cadaawe                  Guddoomiye Kuxigen /Kaaliye Xoghaye

6.Istahil Abdullahi                                    Xoghaye Guud (Holland)

7.Asli Maxamed Samarar                        Qasnaji Guud ( Norwey)

8.Wasris Muuse Cabdulle                        Kuxigen Qasnaji (Norwey)

9.Shukri Maxamed Nuur( Dhalbas)         Wakiilada North /ton

10.Astur Jama Elmi                                 Wakiilada Sweden

11.Hindio Mohamed Arif                        Wakiiladda Washington

12.Maryan Ibrahim  Jama                       Wakiil USA (Masure)

13.Suad Diriye                                       Wakiilada Seattle

14.Saredo Ibrahim Wardhere                 Wakiilada Finland

15.Ambaro Mohamud Siad                    Wakiilada Finland

16.Maryan  Issa                                     Wakiilka Stockholm

17.Safia Mohamud Gudale                      Wakiilka Londan

18.Luul Aadan Shiddo                             Wakiilka London

19.Naley Cabdi Gacal                             Wakiilka London.
Shirkan ayaa waxaa gabagabaddii ka hadlay gudoomiye ku xigeenka kubadda koleyga Soomaaliyeed Mudane Abdiaziz Godah oo ugu horeeyn hambalyo usoo jeediyey maamulka cusub ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo howshaan culus ee maanta loo dhiibatay. Tan labaad gudoomiyaha ayaa balanqaadey inuu ka xiriir ahaan inay la shaqaydoonaan gabdhan geesnimadda muujiyey.

Shirkan ayaa waxaa uu noqoonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah,sababtoo ah waa markii ugu horeeysey ee tiro intaan oo gabdhihii hore ee xulka qaranka ama gabdho soomaaliyeed oo raba inay wadankooda wax u qabtaan ay isugu yimaadaan shir noocan ah.
Shirkan ayaa waxaa gabagabaddii ka hadlay gudoomiye ku xigeenka kubadda koleyga Soomaaliyeed Mudane Abdiaziz Godah oo ugu horeeyn hambalyo usoo jeediyey maamulka cusub ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo howshaan culus ee maanta loo dhiibatay. Tan labaad gudoomiyaha ayaa balanqaadey inuu ka xiriir ahaan inay la shaqaydoonaan gabdhan geesnimadda muujiyey.

Shirkan ayaa waxaa uu noqoonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah,sababtoo ah waa markii ugu horeeysey ee tiro intaan oo gabdhihii hore ee xulka qaranka ama gabdho soomaaliyeed oo raba inay wadankooda wax u qabtaan ay isugu yimaadaan shir noocan ah.

Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved