Published On: Mon, Jul 10th, 2017

FIFA oo ciyaaraha ka joojisay Naadiyada Al Hilal iyo Al Merreikh.

10 07 2017

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA ayaa ciyaaraha ka mamnuucday naadiyo ka dhisan dalka Sudan, kadib markii dowlada dalkaasi lagu eedeeyay in faragalin baahsan ku heyso Ciyaaraha dalkaasi.

Dowlada Sudan ayaa bishii hore uga digtay dowlada in ay faraha kala baxdo ciyaaraha dalkaasi ,kadib markii dowlada uu hogaamiyo Cumar Xasan Al Bashiir madaxweyne cusub u magacawday xiriirka kubadda cagta ee Sudaan.

Xiriirka FIFA ayaa ciyaaro ka joojiyay Naadiyada Al Hilal iyo Al Merreikh ee ka dhisan dalka Sudan kana mid ah kooxaha heerka koobaad ee dalkaasi, waxa ayna labadan kooxood ka qeyb qaadan lahaayeen tartamada ciyaaraha koobka horyaallada Afrika iyo tartanka Confederation Cup.

Xayiraada ay FIFA kusoo rogtay naadiyada dalka Sudan ayaa maanta saameyn ku yeeshay kulamo ay ku balan sanaayeen naadiyada Al Merreikh oo la ciyaari lahayd naadiga Etoile du Sahel ee ka dhisan dalka Tunisia, halka Al Hilal ay marti galin lahayd Ferroviario Beira oo ka socota dalka Mozambique.

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved