Published On: Sun, Nov 12th, 2017

Evra oo tartamada Europe 7 bilood laga ganaaxay.

12  11  2017. 

Patrice Evra waxaa muddo toddobo bilood ah laga ganaaxay in uu ka soo muuqdo tartamada UEFA kaddib markii uu laaday taageere Marseille ah.

Kahor kulankii ay Europa League-ga la ciyaarayeen Vitoria De Guimaraes, Evra waxa ay is maan dhaafeen taageere oo uu markii dambe ka laaday qaarka hore.

Evra waxaa durbadiiba ganaaxday kooxda Ligue 1-ka ka dhisan haddana waxaa ugu dartay UEFA.

36 jirkan oo uu qandaraaska ka dhacyo dhammaadka ololahan ayaan mar dambe Marseille uga soo muuqan doonin Europa League.

Marseille kulankaas waxaa looga badin doonaa 1-0.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved