Published On: Wed, Dec 14th, 2016

Everton oo 2-1 kugaraacday Arsenal +SAWIRRO.

14 12 2016

Kooxda Kubada Cagta Arsenal ayaa laga badiyey Kulankii labaad ee Horyaalka England Xiligaan kadib markii ay 2-1 kulumiyeen Naadiga Everton oo ay Garoonkooda ku booqdeen.

Arsenal oo aan dhinaceeda dhulka ladhigin Tan iyo kulankii koowaad ee Horyaalka England Markaas oo Liverpool Garaacday ayaa Nasiib daro weyn kala kulantay Kooxda Everton oo Goolka ay kala Hormareen ugu badashay 2 Gool.

Taageerayaasha Chelsea ayaa dhoosha ka qoslaya aadna ugu faraxsan Guuldarada ku dhacday Kooxda Arsenal oo kaalinta hada kaga jirta Horyaalka halka iyagu ay weli hogaanka sii hayaan Waxa ayna Fursad u ahaystaan in ay 6 dhibcood oo Nadiif ah ku hogaamiyaan Horyaalka hadii ay badiyaan kulanka ay Caawa dheeli doonaan.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved