Published On: Mon, Apr 2nd, 2018

EPL: Aubameyang iyo Lacazette oo guul ku hogaamiyay Arsenal +SAWIRRO.

02 04 2018

 

Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Stoke City oo marti u ahayd, waxayna uga adkaatay 3-0.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, Arsenal ayaana isku dayday inay qabato hogaanka ciyaarta bilowgii laakiin uma suurogalin.

Qaybtii hore, Stoke City ayaa qatar badnayd inkasta oo Arsenal ay inta badan iska maamulanaysay ciyaarta, waxaana lagu kala nastay 0-0.

Qaybtii labaad, Ciyaartoyda Arsenal ayaa sameeyay dadaal badan, waxayna iska khasaariyeen fursado badan oo gool loo fishay.

75-daqiiqo, Aubameyang ayaa gool u badalay rigoore lagu galay Ozil, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-0.

86-daqiiqo, Isla Aubameyang ayaa hogaanka u sii dheereeyay Arsenal kadib markii uu si cajiib ah u dhaliyay kubadd uu koornada ka soo laaday Ozil oo ku soo dhacday difaaca Stoke City, wuxuuna ka dhigay natiijada 2-0.

89-daqiiqo, Lacazette oo badal ku yimid dhaawacna ka soo laabtay ayaa sii quusiyay Stoke City kadib markii uu dhaliyay rigoore lagu galay isla isaga, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-0.

Arsenal ayaana sidaas ku badisay isla markaana gaartay dhibicdii 51-aad.

 Pierre-Emerick Aubameyang slots home from the spot to send Stoke further into relegation trouble Aubameyang treated the Arsenal fans to a somersault after heaping more misery on Stoke Mesut Ozil goes down under the challenge of Bruno Martins Indi, and the penalty was given despite the Stoke defender looking to get a touch on the ball Paul Lambert keeps a close eye on the action as he desperately tries to steer Stoke to safety Erik Pieters and Hector Bellerin go in hard during a dismal first half of football Badou Ndiaye barges into Alexandre Lacazette to concede a second penalty of the game Lacazette celebrates converting from the spot as he returned after a month-long injury lay-off

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved