Published On: Wed, Nov 1st, 2017

Dhulkii Wasaaradda Isboortiga ay ugu deeqday xiriirka kubadda cagta oo maanta la dhagax dhigay+SAWIRRO.

21 Okt 2017  

Wasiirka Wasiiradda dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta dhagax dhigtay dhulkii ay Wasaaradda Isboortiga  ugu deeqday xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Dhulka cusub ay Wasaaraddu ku warejisay xiriirka ayaa ku yaalla degmada Shangaani, waxaana  maal-gallinta dhismaha bixinaya xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Waxaa maanta dhagax dhigeynaa dhulkii aan horay u sheegnay in aan ku wareejinay xiriirka kubadda cagta shaqo muhiim ah ayay dalka ka hayaan waxaana bilaabaneysa qeybtii koowaad ee dhismaha  ayay saxaafada u sheegtay Wasiirka Isboortiga dalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta C/Qani Saciid Carab oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri ” Dhismahan waxa uu  xarun u noqon doonaa qof walba oo sheegta magaca kubadda cagta, waxaan u mahad celinayaa Wasiirka Isboortiga Marwo Khadiijo oo dhulkaan noogu deeqday,si la mid ah waxaan mahad gaar ah  u jeedinayaa shirkadaha gacan ka geysanaya dhismaha xarunta cusub ee xiriirka.

Sikastaba xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa muddo dheer ku shaqeynayay  xarun ay kiro ku dagan yihiin,waxaana maanta billaawday dhismaha qeybta koowaad ee xaruntaan cusub.

IMG_9088 IMG_9092 IMG_9093 IMG_9094 IMG_9095 IMG_9097 IMG_9098 IMG_9099 IMG_9103 IMG_9106 IMG_9109 IMG_9111 IMG_9112 IMG_9115 IMG_9119 IMG_9120 IMG_9121 IMG_9124 IMG_9136 IMG_9138 IMG_9139 IMG_9140 IMG_9142 IMG_9143 IMG_9147 IMG_9153 IMG_9157 IMG_9158 IMG_9172 IMG_9176 IMG_9185

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved