Published On: Tue, Jul 4th, 2017

Daawo Sawirada : Xulka Qaranka Germany oo markii ugu horeeysay taariikhda qaaday koobka Qaaradaha !!

04 07 2017

Xulka kubada cagta Qaranka Germany ayaa markii ugu horeeysay ku guuleeystay koobka Qaaradaha Aduunka oo si xiise leh uga socday garoomo ku yaala gudaha dalka Ruushka .

Jarmalka oo heysta Koobka Aduunka ayaa kulan Fiinaal ah waxeey fooda is dareen xulka Chile oo soo qaaday koobka Laatiin Amerika . Koobakaan oo loo yaqaan FIFA Confederation Cup ayaa aalaaba waxaa loo dhigaa wadamada soo qaada koobabka Qaaradahooda .

Xulka Germany oo xili ciyaareedkaan la soo shir tagay laacibiin aad u da┬┤yar oo cusub ayaa waxeey 1-0 ku garaaceen xulka Qaranka Chile waxaana Jarmalka goolka agoonka ah u saxiixay ciyaaryahan Lars Stindl (daqiiqadii 20-aad) .



About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved