Published On: Sun, May 3rd, 2015

Daawo Sawirada: Feerka Qarniga Oo Lagu Kala Baxay Iyo In Ka Badan 400 Milyan Doolar Oo Kasoo Xarootay Feerkan.

03 05 2015

feer_10Floyd Mayweather ayaa go’aanka dhibcaha ku garaacay Manny Pacquiao ka dib mid ka mid ah feerarkii ugu qaalisanaa abid dunida oo labada feeryahan ku dhexmaray magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.
Midkoodna labada dagaalyahan oo loo texgeliyo inay yihiin feeryahanada ugu sareeya caalamka ayaa heli waayay feer uu dhulka la dhigo midba midka kale 12kii wareeg ee la ciyaaray, waxaana ay garsoorayaasha guusha ku siiyeen Mayweather go’aanka dhibcaha.
Dhawaan seddexda garsoore waxa ay dhibcaha ugu badan siiyeen Mayweather marka loo fiiriyo Pacquiao iyagoo go’aan isku raacay. Dagaalyahanka aan weli dhinaciisa dhulka la dhigin Mayweather ayaana ku badiyay dhibcahaan 118-110, 116-112, 116-112.
Feeryahanka Mareykanka ah ayaa sii dheereystay rikoorkiisa aan laga badiyay 48 feer uu ciyaaray weli ma jirto cid gacanta sarre ka lahaatay, halka guuldarada soo gaartay feeryahanka Filipiin u dhashay ay ka dhigan tahay guuldaradiisii lixaad isagoo badiyay 57 kulan kale.
Kulanka oo waqtiga geeska Afrika xilli aroor hore ah laga daawanayay balse ay habeen xilli danbe ah u aheyd Mareykanka ayaa ahaa mid la sugayay muddo shan sanadood ah, waxaana ciyaarta feerka ay noqotay mid dib u qortay taariikhda feerka iyadoo noqotay ciyaartii ugu qaalisaneyd abid.
Guud ahaan lacagta ka soo xarootay ciyaartaan waxa ay ku dhow dahay 400 milyan doolar, iyadoo seddex milyan kaliya ay soo xarootay tv-yada baahinayay dhacdadaan.
Waxaana lacagtaas qaaliga ah 180 milyan doolar oo ka mid ah qaadanaya feeryahanka aan weli laga badinin ee Mareykanka ah ee Mayweather halka halyeeyga Filipiin Pacquiao uu qaadan doono 120 milyan doolar.










About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved