Published On: Thu, Jun 4th, 2015

Daawo Muqaalka Qaabka Ay Barcelona Xaflada Sagoonta Ah Ugu Qabatay Xavi Hernandez Iyo Dareenkii Xaflada Ku Xeeranaa.

Xavi-HernandezTaariikh: 04-June-2015

Kooxda Barcelona ayaa kabtankeeda Xavi Hernandez u qabatay xaflad layaableh oo ay ku macasalaamaynaysay iyada oo uu Xavi ciyaari doono kulankiisii ugu danbeeyay marka ay Barcelona iyo Juventus iskaga hor yimaadaan finalka Champions Leaque-ga. Haddaba Barcelona ayaa Camp Nou xaflad wayn ugu qabatay Xavi si ay uga mahad celiso waqtigii dheeraa ee uu kooxda ku soo qaatay.

Iyada oo aanu hore idiinku soo gudbinay warbixintii xafladaas ayaanu hadda halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka xafladii ay Barcelona ku macasaamaynaysay kabtankeeda Xavi Hernandez oo markale oohinta iska xejin kari waayay.6

 

Xafladan ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen madax waynaha Barcelona iyo dad badan oo qiimo wayn ku leh Barcelona oo uu ka mid yahay madax waynihii hore ee John Laporta isla markaana la filayo inuu dib ugu tartamo doorashada Barcelona ee dhamaadka xili ciyaareedkan la qaban doono .

Iniesta oo ay Xavi Hernandez maataano ku ahaayeen Barcelona ayaa khudbad layaableh ka yeedhay xaflada taas oo ilmo kaga keentay Xavi isla markaana markii uu Iniesta hadalkiisa dhameeyay ayuu Xavi u soo kacay oo uu laabta galiyay waxanaa goobtii ay xafadu ka socotay kala joogsan waayay sacabinta.

Xavi1

Intii ay xafladu socotay ayaa la daawday muqaal ay laga soo ururiyay ciyaartoyda Barcelona oo Xavi ka hadlaysa iyo codka qaar ka mid ah jamaahiirta Barcelona oo qaab fiican layskugu xidhay.Haddaba halkan ka daawo muuqaalka xaflada layaabka leh ee ay Barcelona ku macasalaamaynaysay Xavi:

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved