Published On: Sat, Aug 26th, 2017

DAAWO: Manchester United 2-0 Leicester,United oo hogaanka kali ku noqotay.

2608 2017

Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku marti qaaday kooxda Leicester City ,ayagoo wada ciyaaray kulan xiisa badnaa oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Ciyartan ayaa ahayd mid xiisa badan,Man United ayaa garoonka soo gashay ,ayadoo doonaysay in ay gaarto guusheedii sedaxaad oo xiriir ah.

Ciyaarta ayaa ku bilaawatay si der der leh,labada kooxood ayaa si cajiib ah u ciyaaray daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 0-0,Man United ayaana fursadaha ugu badan qasaarisay.

Qaybtii labaad markii ay bilaawatay daqiiqadii 53-aa,Man United ayaa lagu Abaalmariyay Gool kulaad,waxaana goolku laadkii loo dhigay ka qasaariyay laacibka lagu magacaabo Romelu Lukaku.

Man United oo yaaban ayaa badal sameesay daqiiqadii 67-aad,waxa ayna ku kentay Marcus Rashford oo badalay Mata.

Sedax daqiiqo ka dib,Marcus Rashford ayaa Man United gool cajiib ahaa u dhaliyay,ayadoo uu goolkaas caawintiisa lahaa Henrik Mkhitaryan.

Man United ayaa mar kale badal sameesay,waxa ayna badal ku keentay Marouane Fellaini oo badalay Henrik Mkhitaryan,balse Fellaini ayaa Man United u dhaliyay goolkii labaad daqiiadii 82-aad.

Ugu danbeentii ciyaarta aya ku soo dhamaatay 2-0 oo ay badisay Man United,waxa ay sedaxdii kulan oo ay ciyaartay dhalisay 10 gool,ayadoo aana laga dhalin wax gool ah.

Man United ayaa hada hogaaka kali ku noqotay,ayadoo ay kooxihii isku dhibcaha ahaayen dhamaantoot la celiyay.

             

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved