Published On: Fri, Apr 6th, 2018

Cristiano Ronaldo Oo Ku Wargaliyey Florentino Perez In Uu Dalab Weyn Ka Helay Manchester United.

06 Abriil 2018. 

Cristiano Ronaldo waxa uu ku wargaliyey madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez dalab weyn oo uu ka helay Manchester United si uu dib ugu biiro.

Manchester United waxaa lagu wadaa in ay xoojiyaan safkiida si ay ula tartamaan Mancehster City xilli ciyaareedka dambe.

Jose Mourinho waxa uu heli doonaa dhaqaale xoog leh oo uu suuqa galiyo hadana waxa uu weyneystay bartilmaameedkiisa.

Sida laga soo xiganayo Diario Gol, Mourinho waxa uu diiradda saartay weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Ronaldo oo ay haatan da’diisu tahay 33 waxa uu marayaa marxaladdiisii ugu dambeeyey ee waayihiisa Bernabeu.

Warar hoose ayaa iyaguna sheegaya in Ronaldo ka niyad jabsan yahay mushaarka uu ka qaato Real Madrid.

Lionel Messi waxa uu heshiis qaali ah helay bishii November, Ronaldo isna waxa uu dareemayaa in uu sidaas u qalmo.

Haddii uu dalab heli waayo, Ronaldo waxa uu  aadi doonaa Manchester United si uu u helo dalab musharkiisii ugu dambeeyey oo qaali ah.

Red Devils waxa ay fileysaa ugu dambeyn in ay lumiso mid ka mida weereryahanadeeda waxaana Juventus lala xiriirinayaa Anthony Martial.

Zlatan Ibrahimovic waxa uu hore bishii la soo dhaafay ugu biiray LA Galaxy.

Mourinho hadda waxa uu u baahan yahay in galo suuqa xagaaga oo uu soo heli weeraryahan, Ronaldo waxa uu xalin karaa dhibaatooyin badan oo uu qabo.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved