Published On: Mon, Jan 1st, 2018

Conte oo uga mahadceliyay Diego Costa qaab ciyaareedkiisii xiliciyaareedkii hore.

01 01 2018

Tababaraha Chelsea ee Antonio Conte ayaa u mahadceliyay weerar yahankiisii hore ee Diego Costa kaas oo ku biiray Atletico Madrid.

Dhamaadka xiliciyaareedkii hore ayuu Conte u diray fariin Diego Costa, wuxuuna ku wargaliyay inuu raadsado koox kale oo uu u ciyaaro.

 

Tan iyo waqtigaas laacibka ayaa diiday inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa, Atletico Madrid ayaana ugu danbayntii gacanta ku soo dhigtay weerar yahankeedii hore.

Antonio Conte ayaa la waydiiyay ra’yigiisa ku aadan ku biirida Costa ee Atletico, wuxuuna ku jawaabay:

“Ma ahan wax wanaagsan inaan ka hadlo ciyaartoy aan ka mid ahayn kooxdeyda, laakiin Costa waxaan uga mahadcelinayaa masuuliyadii iyo hab dhaqankiisa xiliciyaareedkii hore”.

“Si wada jir ah ayaan u guulaysanay, sidaas darteed si wanaagsan ayaan u soo xusuusanayaa isaga”.

“Si wada jir ah ayaan u dagaalanay, si wada jir ah ayaanan u guulaysanay”.

costaa

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved