Published On: Mon, Jul 27th, 2015

Ciyaaryahan Aweys Eder Oo Shalay Ku Geeryooday Dalka Swedan.Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajucuun.

21 07 2015

aweys-Eder (1)Waxaa shalay ku geeryooday Dalka swedhan AUN Marxuum Aweys eder oo ka mid ahan jiray laacibiintii Kubada Cagta ee Barisamadkii Gaar ahaan Sanadihii 80meeyadii isagoo u soo ciyaaray Gobolka Banaadir iyo Naadigii Heerka 1 ee Horseed ( Cawo Iyo Maalin )
Marxuum Aweys eder oo lagu xasuusto lambarka 11 ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaala swedan ka dib markii la sheegay in qabow daran uu ka haleelay sanbabada ka dibna maskaxda uu ku fiday sida uu noo xaqiijiyay saciid aadan Maxamed’ Saciid suujino’ oo ay asxaab wada ahaayeen marxuum aweys eder  isla markaana degan dalka Ingiriiska Magaalada Manchester.
Saciid Suujino wax auu Alle uga baryay marxuum Aweys eder inuu naxariistii jano uu ka waraabiyo,qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baeyna uu samir iyo imaan uu ka siiyo,inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajucuun.
Hadii aan Nahay Bahda isboortiga SWEDEN Waxaan Tacsi u direynaa ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved