Published On: Mon, May 22nd, 2017

Chelsea oo qaadatay Horyaalka Premier League +SAWIRRO.

May 22 2017

Kooxda kubada Cagta Chelsea oo maanta kulankii ugu dambeeyey ee Horyaalka 5-1 ku Garaacday kooxda Sunderland ayaa siweyn ugu dabaal degtay Garoonkeeda Stamford Bridge kadib markii lagudoonsiiyey koobka Horyaalka.

Chelsea oo qaaday Horyaalkii 6 aad oo shan kamid ah yihiin Premier League ayaa siweyn ugu faraxday in ay 3 Sano gudahood qaadaan Horyaalkii labaad waxaana Garoonka siweyn ugu dabaal degay Cayaartoyda Kooxda Chelsea.

Farxada Cayaartoyda iyo Taageerayaasha Waxaad moodaa in waxoogaa ay Xumaysay murugadii kabtankii kooxdaas John Tery oo Macasalaameeyey isla Markaana makarafoon kula hadlay Taageertayaasha isaga oo Wax yar kadiba la aamusayey oohin waxaana uu u Mahadceliyey dhamaan Chelsea Galabta ayaana ugu dambeysey in uu dheelo kooxdaas.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved