Published On: Thu, Nov 23rd, 2017

Champions League: Kooxaha U Gudbay Wareegga 16-ka, Kuwa Rajaynaya, Kuwa Tegay Europa League Iyo Filashada Kuwa Kale.

2 11 2017

Sideed kooxood ayaa ilaa haatan si rasmi ah u xaqiijiyay booskooda wareega 16ka Champions League, halka kooxo kale ay qarka usaaran yihiin in ay soo baxaaan.

Weli waxaa jira min hal kulan oo ka haray wareega group-ka, laakiin weli koxaha ayaa dagaal xoog leh ugu jira in ay gaaraan marxalada wareega 16ka UEFA Champions League.

Yaa Xaqiijiyay Wareega 16ka?

Kooxaha Barcelona, Bayern München, Beşiktaş, Chelsea, Manchester City, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Tottenham Hotspur ayaa ah sideeda koox ee ilaa haatan xaqiijiyay booskooda wareega 16ka Champions League.

Kooxaha Weli gaari kara wareega 16ka?

Atlético, Basel, CSKA Moskva, Juventus, Leipzig, Liverpool, Manchester United, Napoli, Porto, Roma, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Spartak Moskva iyo Sporting CP ayaa dhamaan rajo ka leh in ay gaaraan wareega 16ka tartankaaan.

Yaa ku dhameysan kara kaalinta saddexaad ee Group-ka?

Anderlecht, APOEL, Celtic, Dortmund ayaa xaqiijiyay booskooda saddexaad, iyagoo ku biiraya tartanka Europe League.

Kooxaha ku dhameysan kara kaalinta afaraad ee Group-ka?

Feyenoord, Maribor iyo Monaco ayaa gabi ahaanba xaqiijiyay in ay isaga hareen tartanka Champions League kadib markii ay ku dhameysteen kaalmaha afaraad ee Group-kooda.

Benfica, Maribor, Olympiacos iyo Qarabağ ayaa sidookale ku dhameysan kara kaalmaha afaraad ee Group-ka.

Labada koox ee ugu sarreysa Group kasta waxay ciyaarayaan wareegga 16ka, halka kooxaha kaalinta seddexaad ay ku biirayaan wareega 32 koox ee UEFA Europa League.

XILIYADA ISKU AADKA WAREEGYADA IYO KULAMADA LA CIYAARAYO?

11 December: Waxaa la sameynayaa isku aadka wareega 16 ka

13/14 & 20/21 February: waxaa la ciyaarayaa lugta koowaad ee wareega 16ka.

6/7 & 13/14 March: waxaa la dheelim doonaa lugta labaad ee wareega 16ka,

16 March: waxaa la sameynayaa isku aadka Quarter-final

3/4 April: waxaa la ciyaarayaa lugta hore ee Quarter-finals,

10/11 April: waxaa lasoo gabagabeyn doonaa lugta labaad eee Quarter-finals

13 April: waxaa la sameynayaa isku aadka Semi-final iyo final

24/25 April: waxaa la ciyaarayaa lugta hore ee Semi-finals

1/2 May: waxaa la dheelayaa lugta labaad ee Semi-finals

26 May: Final waxaa lagu ciyaarayaa (NSK Olimpiyski, Kyiv)

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved