![]() | |||||
|
Akhbaaraha |
Maqaalada Ciyaaraha |
Video |
Wareysi |
Quraan |
Contacts |
|
|
15 maj, 2011
Casho Sharaf
![]() Xaflad si aad u heer saraysa loo soo agaasimay laguna soo dhawaynayey Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Somaliweek london Xuseen Deeq Cabdirashiid islow isla soo dhaweyntaa uu ka mid ahaa halyeygii Cayaaraha Fudud Macallin Jaamac Karaciin Cashadaas oo lagu qabtay Vedesta Restrunte oo ku taalo Waqooyega magaalada Stockholm.
Xafladdan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen labada Urur SKIF iyo SEUKI bahwaynta sportiga ee degan magaalada Stockholm isla markaana ay ka soo qaybgaleen odayaal aad looga qadariyo bahdan sportiga, ayaa waxaa ugu horeyntiiba si farxad iyo walaaltinimo leh loogu soo dhaweeyey Xuseen deeq,Islow,iyo Karaciin magaalada Stockholm ayadoo qaar badan oo ka mid ah martidani ay uga hortageen garoonka diyaaradaha ee Vestarosa ka dibna u soo galbiyeen goobtii hoyga loogu talagalay,ka dibna shirar goni gooni ah oo ay lakala yeesheen Ururada iyo Bahweynta spoortiga Sweden.
Hadaba Furitaankii Xaflada oo uu Xariirinaayay Xamdi Sheikh Axmed wuxuu codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Gu.Ku Xegeenka Ururka SKIF Abuukar cabdulle (Dhabarey) isla markaana ah siihayaha Gudoomiyaha Farsamada ee Ururka SEUKI oo ku hadlayey magaca bahwaynta sportiga ee degen magaalada Stockholm ku soo dhaweeyey wuxuuna warbixin gaaban ka siiyey magaalada iyo waliba bahwaynta sportiga ee Stockholm asagoo xusay in ay ka siman yihiin soo dhawayntiisa balse xiliga oo habeen ah awgiis ay qaar badani ka soo qaybgali waayeen casho sharaftan.
Waxaa hadalkii qaatay Gudoomiye ku Xegeenka Ururka SEUKI Miss Tariig Saciid oo si farxad ku dheehantahay ku soo dhaweysay martidii cashada loo sameeyay ayadoo si fiican uga hadashey wadashaqeenta labada Urur. Waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha Ururka SEUKI Cabdiwali Maallim Shaaciye oo ka hadlay u diyaargarowga Cayaaraha Xagaaga ee soo socda
asagoo sheegay in ay ka soo qeybgalayaan wufood badan oo ka kala imanayaan Yurub iyo Mareykanka maadaama ee Sweden ay tahay hooyada spoortiga yurub,wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay martisharafta cashada loo sameeyay,wuxuu gudoomiyaha halkaas ku martiqaaday madaxda Ururka Somaliweek london in ay ka soo qeybgalaan cayaaraha xagaaga ka dhacaayo Stockholm.
Waxaa hadalkii la siiyay Halyey Macallin Caalami Jaamac Maxamed Aadan (Jaamac Karaciin) asagoo halkaas ka soo jeediyay khudbad dheer oo taabaneyso hurumarinta spoortiga iyo Midnimada asaguna halkaasi hadal gaaban ka soo jeediyey ayaa kula dardaarmay dhamaan bahdan in ay qayb ka qaataan dib u dhiska iyo nabadaynta dalkooda aysana cidla ku halayn, wuxuuna dhinaca kale ku amaanay jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo si fiican u soo dhaweenjirtay markii uu cayaaraha Fudud ka qeybgalijiray,asagoo halkaas ku amaanay odayaal badan oo daganaa Stocholm, Jaamac Karaciin in uu dhalinyarada soomaaliyeed ee spoortiga u horseedayo talaabo ku dayasho mudan
Xoghayaha Ururka Somaliweek London oo sheegay in uu mudo badan ka soo qeybgalijireen Cayaaraha xagaaga oo lagu qabto Sweden,ka dibna ka mahadceliyay siddi diiraneed ee walaaltinimo oo loogu soo dhaweeyay Stockholm asaga iyo gudoomiyehiisa ,Macallin jaamac karaciin,waana mid ay ku amaananyihiin bahda spoortiga Sweden.
Hadaba waxaa ka hadlay halkaas Gudoomiyaha Ururka Somaliweek London Xuseen deeq oo marka hor ka mahadceliyay sidii Fiicneed ee walaaltinimada iyo isjaceelka loogu soo dhaweeyay Sweden,wuxuu si dhher uga hadlay cayaaraha ay qabtaan Somaliweek London , oo uu ku casumay asagana in ay ka soo qeybgalaan madaxda labada urur oo ka dhisan Sweden Cayaaraha aan qabaneyno 15 ka julay,asagoo u mahadceliyay bahda sportiga magaalada London oo qeyb weyn ka qaataan soo dhaweynta wufuuda ka kala imaneyso aduunyada dacaladeeda. Waxaa asagana halkaas ka hadlay Cayaartoydii hore ee dalkeena una cayaaray qaranka Soomaaliyeed Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) asagoo tibaaxay in loo baahanyahay midnimo waarto oo ka dhacdo bahda spoortiga ee Sweden,sona dhaweeyay Martisharafta cashadaas loo sameeyay. Waxaa asagana halkaas ka hadlay Ku-xegegeenkii hore Xoghayaha GOS Xasan Xaaji Xaashi (Xasan Gella oo sheegay in la midoobaa lana hormariyaa tayada cayaaraha laguna dadaalaa sidii loo soo saarilahaa cayaartoy tayo leh ee anfaco qaranka soomaaliyeed,in laga qeybgalaa siminaarada ey bixiyaan Xiriirda iyo GOS lagana faaideestaa tababarada halkaas laga bixinaayo si loogu faaideeyo ubadaka soo koraayo ee ku nool qurbaha. Ugu dambayntii waxaa halkaas goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan gudiga olympikada soomaaliyeed Maxamed Muuse iyo Feysal Makaraan oo ka soo qeybgaleen cashadaas lagu soo dhaweynayo masuuliyiintaas kal gadisan,waxay halkaas ka soo jeediyeen khudbado gaagaaban oo iskugu jiro soo dhaween iyo waano iyo in laga qeybqaato hurumarinta ispoortiga,waxaa halkaas khudbadihii soo gabagabeeyay Feysal Makaraan oo si fiican ugu mahadceliyay gudiyadii soo qabanqaabiyay Cashadaas,oo u dhcaday sidii loogu talagalay Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh cayaarahadunida.com |
| |||
| page 2 | page 3 | page 4 | page 5 | page 6 | page 7 | page 8 | page 9 | page10 |