Published On: Thu, Apr 23rd, 2015

Carlos Tevez Muxuu Ka Yiri Wararka La Xiriirinaya Inuu Dib Ugu Laabanayo Kooxdiisii Hore Boca Junior?

tevez23 04 2015

Mudooyinkii lasoo dhaafay hadal heynta ugu badan ee ka jirta maagalada Turin ayaa aheyd in Carlos Tevez uu dib ugu laabanayo kooda Boca Junior oo uu kasoo mid waayahiisii hore kubada cagta marka uu dhamaado heshiiska uu Juventus kula jiro.

Weeraryahankaan haatan indhaha u noqday kooxda Bianconerri ayaa inkiray wararka la xiriirinaya inuu dib ugu laabanayo kooxda Boca Junior dhawaanahaan.

“Aniga iyo Juve waxaan ku jirnaa xili aad u qiimo badan mana ku fakaro wax aan Juventus aheyn waqtigaan” Ayuu Tevez u sheegay Sky Sport Italia.

“Ma garan karo hadii aan ka tagayo, wali ma aan go’aansan waxa aan qaban doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tevez ayaa ah hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka Serie A-da sidoo kalana wuxuu xili ciyaareedkaan door muhiim ah ka qaatay in Juventus ay soo gaarto Quater finalka koobka UCL.

Si kastaba Tevez ayaa sanadkiisii ugu horeeyay ku qaadanaya kooxda Juventus wuxuuna durba la qabsaday Serie A-da.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved