Published On: Thu, Nov 15th, 2018

C/qani Saciid Carab oo loo doortay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

15 .11.2018.

Doorashadii 7-aad xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa ka dhacdey Magaalada Muqdisho waxaana kusoo baxay Gudoomiyihii xilkaasi soo hayey afartii sano ee lasoo dhaafay C/qani Saciid Carab oo markale xilka loo doortay ilaa 2022.
Doorashada waxaa Cod ku lahaa guud ahaan 25-ka koox ee u diiwaan gashan XSKC Ururada Saddexda ah oo kala ah Ururka macallimiinta, Ciyaartooyda iyo kan garsoorka iyo sidoo kale Wakiilo ka Socdey Maamul goboleedyada dalka,waxaana dhamaantood ay Codkooda siiyeen xubnihii lasoo bandhigey oo aaney jirin cid diidey ama ka aamustey.
Waxaa goobta xaadir ku ahaa masuul dhanka FIFA Ka yimid, wafdi ka socda CAF oo uu hoggaaminayo Saleebaan Waabari oo ka tirsan guddiga fullinta CAF, guddoomiyaasha kooxaha dalka, horjoogayaasha Kubadda Cagta ee Maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa loo doortay Cali Shiine, oo ah shaqsi kaalin weyn ka qaatay hrumarinta  kubadda Cagta Soomaaliya, halka guddoomiye ku xigeenka labaad uu kusoo baxay C/laahi Shiikh Nuur.
C/laahi Aawoow ayaa ka tanaasulay xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee uu u tartamayay, waxaana qudbad uu jeediyay uu mahadceliyay madaxda xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya dadaalka hagar la’aanta ah ay bulshada u hayaan.
Masuulka FIFA ka Socda ee Solmon Mufuzzi iyo Saleebaan Waabari oo ka tirsan guddiga Fullinta CAF ahna Gudoomiyaha xiriirka Jabuuti iyo gud garsoorka CAF ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyay shaqsiyaadkii kusoo baxay doorashadii mudada afarta sano soo socoto maamuli doona XSKC.

XUBNAHA GUDDIGA FULINTA OO 5-tan RUUX LOO DOORTEY:
1:Abuukar Isloow Xasan.
2: Cabdisamad Shiikh Qaasim.
3: Yaxye Maxamed Abuukar (Aayoow)
4: Cumar Maxamuud Nuur (Mugaambe)
5: C/laahi Cusmaan Daami.

 

 

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved