Published On: Tue, Nov 28th, 2017

Bilal Hussen ayaa Noqday laacibka ugu horeyay ee Soomaaliyeed Xulka U17 SWEDEN ka Mid noqday.

28 11 2017

Ciyaaryahan Bilaal Hussen waxa uu dhashay Sanadka Markuu ahaa 2000.4.22 wuxuu ku dhashay SWEDEN Magaalada Stockholm xaafada Soomaalida degentahay ,Bilal Hussen ayaa ku soo baxay xirfadle ku cayaara lugta bidix iyo Mideg, garoomada yar yar ee Stockholm kuyaal ayuu noqday mid aad uga dhexmuuqda, sidoo kale Bilaal Hussen ayaa intuu yaraaba kusoo baxay rigooriste ku wacan tuurista rigooroyinka, Caruurta ay isku xaafada ahaayen ayuu ahaa midka ugu muuqda.

Bilowgii sanadii 2008 ayuu ku biiray kooxda ModerKlubb Broma oo wagaa Cayaareysay Horyaalka heerka labaad kaas oo lagu qabtay Garoonka Weyn ee Stocholm.

Lacibkaan Bilaal Hussen ayaa sanadaas ku guuleestay xiddiga ugu fiican koobki soo dhamaaday ee heerka Labaad asagoo 6 kulan uu saftay dhaliyay 5 gool sidoo kale Caawiyay 5-gool.

Bilaal Huseen ayaa Sidoo kale noqday laacibkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed iyo Ciyaartoyda qaaradda  afrika ah oo hal Ciyaar dhaliyay Sadax gool oo laad xor ah waxuuna goolashaas ka dhaliyay naadigii ka soo horjeeday Sollentuna Klubb.

Bilaal Hussen ayaa Ciyaar cajiiba soo bandhigay ciyaartii Finalka ee ay Ciyareen taas oo aad looga helay

Jawiga garoonka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan oo ay soo buux dhaafiyeen taageerayaal aad u tira badan oo ka soo kala socdaalay dhamaan magaalooyinka Somalida ay ku kala nool yihiin ee SWEDEN iyo wadamada Denmark iyo Finland.

Qaar ka mid ah daawayaashii ka qeyb galay daawashada Ciyaartaas ayaa u hambalyeeyay Ciyaartoyga magaca soomaaliyeed Xambaarsan iyagoo wax lagu farxo ku tilmaamay Ciyaar Fiican uu muujiyay Bilal Ciyaartaas.

Bilal Hussen hada Wuxuu u Ciyaaraa Naadiga heerka 1aad Klubb AIK FF positian uu ka Ciyaaro Waa Mittfelter ama khadka dhexe,waxaa kala oo loo qaatay U17 Landskamper ama Xulka Qaranka.

Wabsedka Cayaarahadunida Wuxuu u Mahadcelinayaa aabihii dhalay Bilal Hussen oo ah Cayaaryahan ruugcadaa ah ee  Kubadda Cagta una soo Ciyaaray Naadigii  hore ee Gaadiidka,Ciid Arsenal Wuxuu u huray wakhtigiisa oo dhan si u Bilal ugaaro heerkaas aan ka soo sheeheynay,Hambalyo Hambalyo Hambalyo.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved