Published On: Thu, Nov 1st, 2018

Arsenal iyo Tottenham oo qoorta la isku galiyay Dhammaadka Carabao Cup.

01 Nof 2018.

Kooxaha reer London ee Arsenal iyo Tottenham ayaa qoorta la isku suray kaddib markii la soo saaray isku aadka wareega sideed dhammaadka ee Carabao Cup.

Gunners ayaa ka soo adkaatay Blackpool halka ay Tottenham ku soo tumatay West Ham.

Labada koox ayaana wada ciyaari doona bisha December.

Markii ugu dambeysay ay Arsenal iyo Tottenham wada ciyaaraan tartanka wuxuu ahaa saddex sano ka hor iyagoona ku ciyaaray White Hart Lane waxaana 2-1 ku adkaatay Gunners.

Chelsea oo xalay si silac ah uga soo adkaatay Derby County ayaa wareega sideed dhammaadka Carabao Cup marti galin doonta kooxda Bournemouth.

Leicester iyo Southampton oo wada ciyaaraya ayaa ku aadi doona cida ka soo baxda kulanka Manchester City/Fulham.

EEG isku aadka Sideed dhammaadka Carabao Cup :

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved