Published On: Sun, Feb 4th, 2018

Arsenal ayaa guul wayn ka gaartay caawa Everton .

 

04 Feb 2018 

Arsenal ayaa guul wayn ka gaartay caawa Everton oo marti u ahayd, waxaana shabaqa soo taabtay weerar yahankooda cusub ee Aubameyang.

Gunners ayaa ku xasuuqday Everton goolal gaaraya ilaa 5-1, waxaana xusid mudan in Ramsey uu dhaliyay 3-leeydiisii ugu horaysay ee xirfadiisa kubadda cagta.

 Aaron Ramsey stole the limelight from Aubameyang with his first ever career hat-trick

6-daqiiqo, Ramsey ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu ka helay Mkhitaryan, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

14-daqiiqo, Koscielny ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu sii madaxeeyay kubadd uu soo madaxeeyay Mustafi oo Ozil uu ka soo laaday koornada, wuxuuna ka dhigay 2-0.

19-daqiiqo, Ramsey ayaa dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta kadib markii uu shuud xoogan ku riday shabaqa wuxuuna ku sii dhacay Mangala, wuxuuna ka dhigay 3-0.

37 daqiiqo, Aubameyang ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Arsenal kadib baas fiican oo uu ka helay Mkhitaryan, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 4-0.

 Pierre-Emerick Aubameyang then opened his Arsenal account

Qaybtii hore ayaana lagu kala nastay 4-0 oo ay hogaanka ku haysay Arsenal.

 Laurent Koscielny added a second with a diving header

Qaybtii labaad, hoos u dhac wayn ayaa ku yimid qaab ciyaareedka Arsenal, taas oo keentay in Everton ay markale ku soo rogaal celiso ciyaarta.

64 daqiiqo, Calvert-Lewin ayaa gool u soo celiyay Everton kadib karoos fiican oo uu ka helay Cuco Martina, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 4-1.

74-daqiiqo, Ramsey ayaa dhaliyay goolkiisii 3-aad ee ciyaarta, sidoo kale Mkhitaryan ayaa sameeyay caawintiisii 3-aad ee ciyaarta, natiijada ayaa noqotay 5-1.

Arsenal ayaa sidaas ku xajisatay booskeeda 6-aad ee kala saraynta horyaalka ingiriiska.

 Aaron Ramsey's second goal was a well hit drive Aaron Ramsey sealed his hat-trick before a standing ovation from the Arsenal crowd Petr Cech had to be substituted through injury

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved