Published On: Thu, Jan 25th, 2018

Arsenal ayaa guul ka gaartay dhigeeda Chelsea kulankii lugta labaad ee koobka Carabao Cup wareegiisa Semi Final-ka, kadib markii ay ku dubatay 2-1

25 01 2018

Arsenal ayaa guul ka gaartay dhigeeda Chelsea kulankii lugta labaad ee koobka Carabao Cup wareegiisa Semi Final-ka, kadib markii ay ku dubatay 2-1 kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium.

Arsenal waxey Caawinaad ka heshay daafaca Blues Rudiger, kaas oo goolna shabaqiisa ku leexiyay kubad uu tuuray Monreal, sidoo kalana kubad kale u hagaajiyay Granit Xhaka kaas oo goolka labaad kooxdiisa u dhaliyay.

Arsenal waxey aheyd kooxda fir-fircoon qeybta labaad ee Ciyaarta iyadoo Jack Wilshere iyo Mesut Ozil ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah, halka Blues uu kaliya dhaq-dhaqaaqiisa wacnaa kaliya Eden Hazard.

Si kastaba Blues waxey qadatay guuldaro, waxeyna isaga hartay tartanka iyadoo Gunners ay u gudubtay finalka ay goor hore sii xaqiiqsatay Manchester City oo xalay ka gudubtay koxda Bristol City.

XOGTA KULANKA:

Arsenal (4-3-3): Ospina, Bellerin, Koscielny, Mustafi, Monreal, Elneny, Ozil, Wilshere, Xhaka, Iwobi (Ramsey 84), Lacazette (Kolasinac 84)

badal aan la adeegsan: Macey (GK), Chambers, Maitland-Niles, Nelson, Nketiah

Goal: Rudiger (KAMA GOOL) 12, Xhaka 60

Jaale: Wilshere, Monreal

Chelsea (3-4-3): Caballero, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, Moses (Zappacosta 72), Kante, Bakayoko, Alonso, Willian (Barkley 31), Pedro (Batshuayi 66), Hazard

badal aan la adeegsan: Eduardo (GK), Drinkwater, Cahill, Luiz

Goal: Hazard 7

Jaale: Hazard, Moses

Garsoore: Michael Oliver

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved