Published On: Mon, May 28th, 2018

Ancelotti Oo Heshiis U Saxiixay Kooxda Napoli.

2805 2018

Hooggaamiyihii hore ee kooxaha Juventus, AC Milan, Chelsea, PSG, Real Madrid iyo Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa noqon doona macallinka xiga ee kooxda Napoli.

Ancelotti ayaa shaqada Napoli kala wareegi doono macallinka isaga tagay kooxda ee Maurico Sarri kaasoo loo badinayo inuu qaban doono shaqada kooxda chelsea.

Subaxnimadii saakay ayaa macallinka reer Talyaani uu heshiis labo sano ah qalinka u dul dhigay kooxda Napoli, isagoo ka qaadan doona mushaar dhan €6.5m, sidoo kale waxaa ku jira heshiiska in haddii uu doono uu ka dhigan karo saddex sano.

Macallinkan ayaa iska diiday horraan shaqada tababarennimo ee xulka qaran Italy oo ugu dambeyn uu qabtay Roberto Mancici, waxaana dadka ka hadla kubadda cagta talyaaniga ay sheegayaan inuu isaga fogeeyay jagadaas sababo heshiiskan la xiriira.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved