Published On: Thu, Nov 23rd, 2017

AC Milan oo qayla dhaan u dirsatay Kaka.

23 11 2017

Kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa dooneysa in ay dib u soo celiyaan Cayaaryahankoodii hore ee Naadigaas Kaka kaas oo dhawaan ka tegay kooxdii uu u dheelayey ee dalka Maraykanka.

Maareeyaha Cayaaraha AC Milan Marco Fassone iyo ku xigeenkiisa Massimiliano Mirabelli ayaa lasheegayaa in ay Xiriir Tilifoon lasameeyeen Kaka oo hada kusugan dalkiisa Braziil iyaga oo kala hadlay in uu ku soo laabto kooxdiisii hore oo xiligaan kujirta xaalad aad u xun.

AC Milan ayaa lasheegay in ay Kaka ka doonayaan in uu Caawiyo kooxda si ay xiliga soo socda ugu soo baxaan koobka Champions League iyaga oo laga badiyey 6 ka mid ah 13 Cayaarood oo Horyaalka Talyaaniga ah oo ay Cayaareen xiligaan sidoo kalana meel hoose ayey kaga jiraan kala Horyaalka.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved