London: Waxaa lagu qabtay hotel-ka Glaucester  ee ku yaal duleedka magaalada London ee dalka Ingiriiska, xafad si wacan loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweenayay looguna mahadcelinaayay howshii nabadeenta uu ka qabtay bahda isbortiga dhexdeeda,asagoo ku guuleystay in ay midoobaan,islamarkaana loo caleemo saaro in u noqdo Mr: Daahir Cali Kulmiye Gudoomiyaha isboortiga Jaliyada Soomaaliyeed ee UK.

   

  

  

  

  

  

  

  Habada waxaa xafladaas si hagar la’aan ah u soo abaabulay bahweynta isboortiga London ,waxaa kaloo xafladaas soo xaadiray odayaasha isboortiga UK iyo cayaarotydii cuslaatay ee xiligii barisamaadka,Xafladaas waxaa kaloo goob joog ka ahaa qaarka tirsan dumarka Soomaliyeed gaar ahaan kuwoodii isbooriga.

  

  

  

  

 

  

  

  

     

Waxaa xafladaas ka soo jeediyay khudbad dheer Gudoomiyaha Ururka Somaliweek iyo Seria A Shiino Guhaad khudbadaas inteeda badan ku aadan mahad celin iyo in lagu amaano daahir Cali Kulmiye  oo wakhtigiisa u huray in dantiisa gaar ahaaneed ka hormariyo mida guud taas oo keentay in la Midoobo oo hal meel laga soo wada jeesto hurumarinta isboortiga,Waxaa ayagana halkaas ka hadlay dad aad u farabadan oo ka soo jeediyay khudbado mahadcelin ah iyo gubaabo.

  

  

  

  

  

  

  

  

    waxaana halkaas lagu guddonsiiyay Daahir Cali Kulmiy  hadiyad iyo ubax ka turjumaya in uu yahay  Geese ku soo barbaaray qoys isboort kuna guuleysatay howshii uu qabtay.

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

ugu danbeyntii waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha isboortiga Jaaliyada Somaaliyeed ee Ingiriiska Md: Daahir Cali Kulmiye oo ka mahadceliyay sidii wacneed ee Xaflada loogu sameeyay,asagoo balanqaaday in uu ku dadaalidoono sidii ay mid u noqon lahaayeen ayna iskuugu xirnaalahaayeen,asagoo bahda isboortiga ka codsaday in garab lagu siiyo sidii uu u gudan lahaa Xilkaas aad ii dhiibteen,wuxuu mar labaad u mahadceliyay dadkii kala soo shaqeeyay nabadeyntii fushay.

Xafladaas waxay ku soo gabagabowday si aan la qayaasi karin

 

       Waxaa  diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh

        mamushe124@hotmail.com

         cayaarahadunida .com

 

 
   
   
   
   
   
   
   
   

 Copyright 2011 Cayaaraha Dunida