![]() | ||
![]() |
Maamulka Ururka Isboortiga SSAUK oo la dhameystiray Isniin, January 31, 2012(HOL): Kulan lagu dhamaystirayey xubnihii hogaamin lahaa ururka SSAUK oo ah urur ay ku midoobeen qaar badan oo ka tirsan cayaartoydii iyo macalimiintii hore ee dalka ayaa habeenimadii Sabtidii (28/01/0212) ka dhacay xarunta ururka Acton Vale Somali Community oo ku taal galbeedka magaalada London. Shirkan oo aad muhiim ugu ahaa horey u socodka ururkan ayaa waxaa ugu horeynba halkaasi hadal soo dhawayn iyo bayaamin qaabka uu shirku u socon doono ka soo jeediyey guddoomiyaha ururkan macalin C/Raxmaan Guhaad (Shiino) asagoo dhamaan uga mahadceliyey xubnihii ka soo qaybgalay shirkan isla markaana si kooban uga hadlay halka uu tiigsanayo ururkani. Intaasi ka dib ayaa waxaa mid mid loo lafaguray qodobadii u degsanaa in looga hadlo kulankan oo uu ugu muhiimsanaa dhamaystirka xubnaha hogaamin doona ururkan sanadaha foodda inagu soo haya waxaana halkaasi mid mid looga dhagaystay guddoomiyaha xubnihii uu soo gudbiyey iyo waliba sababaha uu ku doortayba. Ururkan oo dhawaantan guddoomiye loogu magacaabay macalinkii hore ee xulka qaranka kubadda kolayga soomaaliyeed macalin Shiino Guhaad ayaa waxa uu soo gudbiyey xubnihii ku wehlin lahaa guddiga fulinta ee ururkan waxaana ka dib cod aqlibiyad ah lagu ansixiyey soo gudbintaasi, waxaana loo gartay in sanadkan ay ururkan hogaanka u qabtaan xubnaha hoos ku xusan: C/Raxmaan Guhaad (Shiino) Guddoomiye Axmed Nuur Maxamed Xaashi Sidoo kale bahda ururkan SSAUK ayagoo ka duulaya isla markaana garawsan waxqabadkii baaxadda lahaa ee ay bahwaynta sport ga soomaaliyeed u soo qabteen odayaasha hoos ku xusan waxa ay u garteen odayaashan in ay yihiin odayaasha sport ga jaaliyadda soomaaliyeed ee UK ama golaha guurtida ee ururkan iyo waliba sport ga UK, waxayna kala yihiin: Axmed Caddi Daahir (Shell) Gabagabadii shirkan ayaa waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyey Axmed Nuur Sayga oo ah guddoomiyaha ururka midaynta qurbajoogta sport ga oo ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qaybgalka kulankan iyo waliba sida qiimaha leh ee loogu sharfay wuxuuna kula dardaarmay bahdan in ay muujiyaan isku duubni lana shaqeeyaan macalin Shiino oo uu ku tilmaamay shaqsi mudan hogaanka ururkan, iyo waliba odayaasha kale ee bahdan oo ay ka mid ahaayeen Biyoole, Maxamed Ismaaciil iyo Abaliisha oo dhamaantood kula dardaarmay guddigan la magacaabay in ay ururkan u horseedaan horumar iyo isku duubni. Isku soo wada duuboo kulankan ayaa ku soo gabagabooyey jawi aad u farxad badan waxaana la filayaa in guddiga uu kulankiisa ugu horeeya isugu yimaado muddo laba usbuuc gudahood ah si loo bilaabo diyaargarwga tartanka kulaylaha ee socda iyo waliba tartamo cusub oo uu ururku qorshaynayo. waxaa diyaariyay Sheikh Maxamuud . Cayaaraha.com
|
|