![]() | ||
![]() |
Somali Stars oo ku guuleysatay Koobkii Maalinta Qaranimada Dowlada Turkiga oo loo dhiga Afar Kooxood oo ka dhisan Magaalada Stockhlom.Tartankaasi isaga ah oo soo socday muddo saddex maamlmood ah ku dhawaad ayaa waxaa qabanqaabadiisa iska lahaa Jaaliyada Tukida oo ka tirsanaa jaaliyaaha degen Sweden Waa maalintii Gobanimada dalka turkiga, waxaana ka qayb-qaadanayay 4 kooxood oo ka dhisan Stockholm degmooyinkiisa Sweden iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo kala ahaa: Somali Stars,Turkis 1,Kooxda Giriga,Turkis 2.waxaana guud ahaanba kooxahaasi ay soo bandhigeen tartamo cayaareed oo aad loogu riyaaqay,inta Tartanka Wiilasha aan la bilaabin Waxaa Cayaaray laba Kooxood oo Gabdho ah oo lagu Furay Munaasibada Calanka Turkiga.
Guntii iyo gabagabdii cayaartii waxaa ay ku soo dhammaatay kooxda Somali Stars oo iyadu ku guulaysatay 70 dhibcood, halka kooxda Turki 2 ay ka keensadeen 49 dhibcood.Waxaa kooxda Somali Stars Macallimiin u ahaa Low iyo Raage meeryaa,Waxaa Cayaartaas Garsooraayay laba gorsoore oo u dhalatay Sweden oo caalami ah,
Madax ka socday Safaarada Turkida oo tartanka soo gunaanaday ayaa isagu u hambalyeeyay kooxdii kaalinta 1aad gashay ee Somali Stars ,sidoo kalena hambalyo u diray kooxdii Turkida 2 oo iyagu cayaar wanaagsan muujiyay.Waxaana uu kula dardaarmay dhammaanba kooxihii ka soo qaybgalay tartanka in ay ku dadaalan waxbarashada kana faaidaystaan fursadaha faraha badan ee isboortiga ee halkan yaalla,Wuxuna Koobkii gudoonsiiyay Kooxda Somali Stars,Munaasibadaas Waxay ku dhamaatay Jawi aad u wanaagsan
Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|
|