Taariikhda halyeeyga Cabdi Bile Cabdi
Abdi Bile Cabdi waxaa uu dhashay 28-kii December 1962-kii waxa uu ku dhashay magaalada laaso caanood oo ka tirsan gobalka sool.
Cabdi bile Cabdi waxaa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee Somalia ah oo ku guuleestay tartanka Oradka caalamiga ah 1500 meter, tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sanadkii 1987-dii.
Cabdi bile Cabdi guushaasaas uu kasoo hoyay magaalada Roma waxa uu ku tilmaamay in ay ahayd mid geed dheer iyo geed gaaban uu u koray sidii uu gaari lahaa.oo malaha cabdi Bile Cabdi ka hore 87-dii uu ku jiray waqti uu ku tilmaamay kacaa kuf ilaa 1985-kii,waxaana uu leeyahay ma ahayn mid sifudud ku timid guushaas laakin dareen gooni ah isaga ay ku leheed
Cabdi Bile Cabdi ka so kow ciyaaraha Oradada waxaa uu ahaa ciyaaryahan ciyaara kubada intiisa badan hiwaayad ama wax uu jeclaa ay u ahayd laakin marnaba uusan ku taamin in heer wanaagsan uu kagaarayo,waxaana dhacday isagoo jooga magaalada muqdishu in uu ka qeyb qaatay Orad ka dhacay Gobalkan Banaadir kaas oo lagu xulaayay ciyaayahano Oradka ku fiican,
Cabdi bile Cabdi,Oradkaas ayaa ugu horeeyay wanaa uu ka qayb galay markii u kasoo laabtay ayuu guriga ugu yimid Nin ay ilama adeer ahaayeen oo markaa sucuudiga ka yimid.waxaana uu uga waramay halka uu kusoo haftay,intaa kadibna waxaa uu kawareestay nin ilama adeerka ahaayeen bal waxa layiraahdo Olompic-ka aduunka.
Cabdi Bile Cabdi waxaa uu maalintaas dhageestay barnaamijkii ciyaaraha ee radio muqdiso 1982-kii,waxaana dhacday maalintaasi in
Barnaamijkii ciyaaraha lagu soo qaaday Oradyahankii caanaka ahaa ee jaamac karaaciin oo markaas ahaa ciyaaryahan Somalia mug ku lahaa,cabdi bile waxa uu ka filaayay barnaamijkii ciyaaraha in lagu soo qoodan doono kubada cagta .
Cabdi bile Cabdi waxaa uu wax barashadiishisii uu shahaada BS marketing ka qaatay jaamacada George Mason ee dalka mareekanka.
Cabdi bile Cabdi guulaha hada udiiwangashan waxaa kamid ah sadax guul oo kasakoow isaga la lagu sifeenkaro in sharaf iyo yididiilo ay u ahayd dadka soomaalida kuna faanaan ilaa guulahaas cabdi Bile Cabdi uu garay waxaa kamid ahaa:
| Year | Tournament | Venue | Result | Event |
| 1987 | World Championships | Rome, Italy | 1st | 1,500 metres |
| 1993 | World Championships | Stuttgart,Germany | 3rd | 1,500 metres |
| 1996 | Olympic Games | Atlanta, Georgia,U.S.A. | 6th | 1,500 metres |
Waxaa kaloo jira guul kale oo uu gaaray oradyahanka soomaaliyeed Cabdi bile Cabdi waxaana kamid ahaa
800 metres – 1:43.60 (1989)
1000 metres – 2:14.50 (1989)
1500 metres – 3:30.55 (1989)
One mile – 3:49.40 (1988)
3000 metres – 7:42.18 (1994)
Cayaarahadunida.com


