![]() | |||||||||||||||||||
|
Akhbaaraha |
Video |
Wareysi |
Contacts | ||||||||||||||||
|
BBC
![]() |
K’naan Waa Fanaan Somaliyeed oo Calaami ah, Magaciisa oo buuxa waa Keynaan Cabdi Warsame Waxa u ku dhashay Magaalada Muqdisho Sanadkii 1978, Keynaan waxa u ka tegey Somaliya 1991 kadib dagaaladii Sookeeye Eedadi waa Fanaanada caanka ah ee Somaliyeed Xaliimo Khaliif Cumar ” Magool ” Allaah ha u Naxariiste , Keynaan Awoowihii oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed waxaa uu ahaa gabyaa Somali ah dhanka diinta Islaamka Hooyadii waxay dhimatay isagoo yar inta aysan uu Qaxin magaalada Toronto ee Caasimada Canada, Kadib sanado badan markii uu joogay magaalada Toronto gaar ahan Xaafada Ontario oo aay Halka aay ugu badan yahiin Bulshada Somaliyeed ee Canada ku nool, waxana u halka kaga biriiy Dugsiga ugu wayn ee laga barto fanaanimada ee lagu magacaabo Hip-Hop Keynaan waxaa uu ka soo jeeda Qoys ay Fanka dhankoodu Qiima badan ka leeyihiin waligiis waxaa uu ku Seexan jiray kuna soo toosijiray in uu noqdo fanaan caan ah oo Adduunka oo dhan laga yaqaan, Waxana la dhahi kara Taasi waxay noqotay mid u Suurta gaasha Keynaan waxaa u ku raagay barashada Fanaanimada waayo Afka uu ku Heesayo ee English-ka kuma u san dhalan dadaal dheer kadib wuu ku guulaystay Fanaanida waxaana la siiyay Shahaada lagaga baxo dugsigaas Keynaan Saaxiibkiisa qaaliga waa fanaanka reer Canada ee lagu magacaabo Sol Guy. Keynaan waxaa uu xiisayn jiray heesaha uu qaada fanaanki reer Mareykan hadana la ofoosday ee Michael jackson Keynaan waxaa uu ku hadlaa Sadex luuqadood oo kala ah luuqada Hooyo Ee Soomaaliga, luuqada English-ka iyo Weliba luuqada Fransis-ka waayo Canada waxaa lagaga hadlaa labo luuqadood Tan koowaad waaa English tan labaadna waa Franciis Isla markaana wuu Ku Heesaa Saddexdaa luuqadood inta badan wuxuu jecel yahay in uu Ku Heeso luuqada English-ka. Fanaankaan da’da yar ee keynaan waxaa Heesahiisa laga siidayaa Telivision-nada dalka uu ku nool yahay ee Canada, Nasiib wanaag waxaana uuna leeyahay Muusiga la dulsaaro aflaamta ugu caansan Adduunka sida kuwa Jacaylka iyo Kuwo Murugada. Keynaan waa Fanaanka keliya ee laxanka iyo kitaarka kaba qaraacda Ama saarta waa Hibo uu dheeryahay Fanaaniinta qaarkood, Keynaan waxaa uu ku nool yahay Xaafadii uu ku soo koray isla markaana waxaa uu leyahay Album dheer oo uu ku faaninayo Xaafada Ontario waxana lagu Magacabaa Ontario City Keynaan waxaa loo doortay Heestiisa ”Waving Flag” in ay noqoto Heesta lagu furi doono Koobka Adduunka Ee Sanadkan lagu qaban doono Dalka Koonfuurta Afirika, Waana Heesta Keliya ee U Qiimo Iyo Sharaf Iyo Hantiba uu ka leyahay Fanaankani, Waxana u hada dhowr jeer ka qaday Heestaas Tiyaataro ku kala yaal Canada Iyo Mareykanka waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
Cayaarahadunida.com
|
| |||||||||||||||||
| page 2 | page 3 | page 4 | page 5 | page 6 | page 7 | page 8 | page 9 | page10 |