Akhbaaraha
Video
Wareysi
Contacts

 

 

 

 

 

 

 

  

 

  

 

 

 

 

 

 

Muxaadarooyin

Somali Music

Live Universal TV

Somali Music Videos

MarkaCadey Radio 04:00-04:30
MarkaCadey Radio 11:00-11:10
MarkaCadey Radio 14:00-15:00
MarkaCadey Radio 18:00-18:30
MarkaCadey Radio Universaltv.co.uk
MarkaCadey Radio

VOA Somali 4pm
VOA Somali 7pm
VOA Somali 8pm
 

    


 
 
Xusuusta Xiddigihii hore Mud. Abkow: Ruug Cadaa halgamaa ah, oo door lixaad lah kasoo qaatay horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.
 
 

Akhristayaasha sida gaarka ah u xiiseeya bogeena Cayaarahadunida .com  xusuusta xiddigihi hore waxaan maanta u soo gudbineynaa taariikhda isboorti ee gudoomiyaha Hore  gudiga olombikada soomaaliyeed md. Cabdulqadir Ibraahim Gacal (ABKOW)  oo ah halgamaa madaale ah oo door lixaad leh ka soo qatay horumarinta isboortiga, mudo 54 sana ahna ku soo dhax jiray isboortiga.

Md. Abkow waxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1942kii, yaraantisii wuxuu aad u jacelaa ciyaarta kubada cagta. waxuuna ku soo caan baxay garoomada bacaadada ah ee dagmada Wardhiigley, Md. Abkow ciyaaraha waxaa ku dhiiri geliyay professor OMOROSO oo talyaani ahaa, Darbane Muudey, Maxamed Cali, Aadan Muxudin iyo Maxamed Xasan.  

Md. Abkow wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii dugsiga hoose dhaxe ee bartamaha (Media Centerale) oo sanadkii1953-1954kii ku guleestay tartakii ugu  horeeyay kubada laliska ee dalkeena lagu qabtay, halka uu Abkow sanadkii 1957kii ka mid noqday kooxdii kubada  cagta ee Antonio Jeg, 1959kii dugsigiisi uga qeyb qaatay  dhinaca ciyaaraha fudud isagoo u saftay orodada kala ah 400m, 800m iyo 1500m, wuxuuna  iskoor aad u fiican ka sameeyay orodka 1500m, Md. Abkow wuxuu heer sare ka gaaray ciyaaraha kubada laliska iyo kubada koleyga wuxuuse dabayaaqadii 1959kii si rasmi ah ugu wareegay  ciyaaarta kubada koleyga oo xiligaas si aad ah dalka  looga xiiseynayey halka uu 1960 - 1961kii ka noqday garsoore k/koloyga iyo k/ laliska wuxuuna sanadki 1962kii u saftay kooxda wajeer oo uu la qeybsaday koobab fara badan waqtigaas waxaa  dalka ka jiray kooxo  isugu jiray Soomaali Talyaani Mareykan Masaari iyo Ruush .

1964 - 1965kii ABKOW wuxuu u ciyaarayey kooxdii la oran jiray  INTERNAZIONALE oo ay u ciyaarayeen ciyaartoy ajnabi ah oo u  kala dhashay Masari, Talyaaniga,  Jogoslafakiya iyo mareykan wuxuu  MD. ABKOW ahaa ciyaar yahanka kaliya ee Soomaali ah oo ka tirsanaa kooxdaas waxaana loo  bixiyay naaneysta ah PAOLO wuxuuse md. Abkow sanadkii 1965kii dabayaaqadiisii ku biiray kooxdii k/koloyga ee Munishiibiyo oo uu ciyaarayey tan iyo kolkii uu ciyaaraha ka fariistay1973kii, halka uu MD. ABKOW sanadkii 1969kii ka mid noqday xaafid committee. 

MD. CABDULQAADIR IBRAAHIM GACAL ABKOW sanadki 1970kii ayuu ka mid noqday xulka qaranka ee k/koloyga wuxuuna safaro ciyaareed u tagay  dalalka Masar,  Yamen iyo Liibiya waxaana tabare u ahaa Jack Aswan oo u dhashay dalka Mareykanka  macalina ka ahaa kulliyada waxbarashada Lafoole,  sanadki1973kii Abkow wuxuu noqday maamule xagga tababarka Kubbada Koleyga iyo gasoore k/laliska halka uu sanadkii 1975kii ka noqday gudoomiye ku xigeenka xaririka soomaliyeed ee k/laliska, sanadihii1983 iyo1986kii wuxuu hogaaminayay gobalka sanaag 1987kiina gobalka w/galbeed ayuu hogaaminayey wuxuuna MD. ABKOW wax ka so dhisayay garoomo kala duwan oo laga hirgilyey gobalada Bay iyo Bakool, Sanaag iyo Togdheer .

1991kii markii ay burburtay dowladdii soomaliyaa MD. ABKOW   wuxuu ka mid noqday guddigii qabanqabada ee u istaagay  dib u soo nooleynti isboortiga Soomaliyeed halka uu Congresskii 1aad ee GOS 1993-1997kii xubin ka noqday gudiga fulinta ee GOS, sanidihii 1996-1997kii MD. ABKOW wuxuu noqday sii hayaha jagada xoghayaha guud ee GOS, iyadoo Congresskii 2aad ee GOS 1997-2001 loogu doortay gudoomiye ku xigenka GOS ee hormarinta gobalda iyo maliyada,  wuxuu Md. Abkow ahaa gudoomiyihi gudiga Congresskii 3aad ee GOS 2001-2005, waxaana Congreyskii 3aad loogu doortay gudoomiye  ku xigeenga 1aad  ee GOS, 2005-29 novenbar 2006diii md. Abkow  wuxuu ahaa ku simaha gudoomiyaha GOS.

  

Halka 30kii novenbar 2006 loo doortay gudoomiyha Guddiga Olombikada Soomaaliyed .

  

45 bil kadib ayey u dhabowday md. Abkow  RIYADIISIIi ku aadaneyd qabashada tartanka17aad ee gobolada dalka, 24kii maarso ilaa 5tii Abril 2001 ayaa tartan-kii17aad ee gobaoada lagu qabtay magaalda Garowe  ee gobolka Nugaal kaas oo ay ka soo qeyb galeen SIDEED gobal oo kala AH . Sool Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgadud, Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaana gacan weyn ka geystay MADAXWEYNE CABDULAAHI YUUSUF AXMED oo xiligaa hogaaminayey maamul goboleedka bunt land, tartankaan ayaa noqday is dhex galkii isboorti ee ugu balaarnaa ee dalka ka dhaca mudo 16sano ah waxaana qabashada tartakaan ku baxay lacag dhan 77kun oo doolar .

  

14 apriil 2001 ayaa md. Abkow la guddoonsiiyay bilad dahab ah oo  uu ku muteystay halgankii  dheeraa ee uu  u soo galay Horumarinta isbootiga Soomaaliteed, MD. C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow  gudoomiyaha gudiga Olombikada  Soomaliyeed waxuu balan qaaday in uu wax badan isboortiga ka badeli doono, laguna baahinayo 18ka gobal ee dalka, dugsuyada iyo jaamcadaha si isbortiga Soomaliyeed wax ula qeybsado caalamka .

  

Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh  

 

 

 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


page 2 page 3 page 4 page 5 page 6 page 7 page 8 page 9 page10

© Ciyaaraha Dunida 2011 Mohamed Mokhtar