![]() | ||
![]() |
Shirkii Looga hadlay qabashada Tartankii Xagaaga K/Kolayga Sanadka 2012 .
Shir aad loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabeyeen ururwaynaha SKIF ayaa habeenimadii axaddii ka dhacay xaafadda Rinkby ee Magaalada Stockholm,Shirkaas oo looga hadlaayay Qabashada iyo u diyaargarowga Cayaaraha Xagaaga Kubbada Kolayga 2012 . Shirkan ayaa lagu ansaxiyay Xeerkii lagu maamulilahaaTartanka Sanadkaan 2012, marka laga reebo xubnaha ururka SKIF maamuladooda waxaa ayaguna ka soo qaybgalay Shirka odayaal ispoorti oo ruugcadaa ah. Intaasi ka dib ayaa waxaa ayaguna dhinacooda warbixino gaagaaban halkaasi ka soo jeediyey Maxamed Muuse (Jabros) oo ka warbixiyay Tartankii sanadkii hore sidii quruxda badneed ee uu u dhacay oo ay ka soo qeybgaleen Kooxda gabdhaha qaranka K/Kolayga Soomaaliyeed oo halkaas ku soo bandhiga Cayaar aad u quruxbadan,Waxaa asagana halkaas ka hadlay C/laahi Ereg (Xaaji) oo si fiican u Faahfaahiyay in sanadkaan la qabandoono Cayaaro K/Kolayga oo aad u heer sareeyaan Farsamadooda. Waxaa ayaguna sidoo kale hadlay Raage Meeryaa iyo Low,oo ka warbixiyeen Kooxda Stockholm Sweden o mudo dheer Tababar uga socday haatana diyaar ah Kooxdaas. Intaasi ka bacdi ayaa ayaguna waxaa halkaasi mid mid uga hadlay qaar ka mid ah madaxda ururka SKIF iyo Odayaashii goob jooga ahaa kuwaasi oo aan ka Xusi karno Bashiir Jeenyo,Yoonis Galbeyte Abuukar cabdulle(Dhabarey) Ibraahim Galbeyti iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen in Gudoomiyaha K/Kolayga Sanadkaan 2012 una balan qaadeen in ay kula shaqayn doonaan si ka duwan Gudigii hore ay la shaqayn jireen ayagoo adeegsanaya waayaaragnimada iyo aqoonta ay u leeyihiin K/Kolayga waxayna laf ahaantoodu iskula dardaarmeen in la badiyo Wada Tashiga loona daneeyo dhalinyarada iyo ubadka yaryar si aan u aragno cayaartoy badan oo soomaali K/Kolayga ku abtirsada kana muuqda garoomada adunka. Intaasi ka dib Waxaa Ururka SKIF iyo kooxaha ayaa ku balamay in mar kale kulan looga arinsanayo tartamada soo socda ay isugu yimaadaan mustaqbalka dhaw haddii alaha awoodda lihi ogolaado. Waxa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|
|