Akhbaaraha
Maqaalada Ciyaaraha
Video
Wareysi
Quraan
Contacts

 

 

 

 

 

 

 

 

 

15 maj, 2011

 
Ronaldinho oo u Muuqdo in uu dib ugu soo laabanaayo Cayaarihii lagu yiqiinay
 

Laacibki hore ee kooxaha Barcelona iyo AC Milan Ronaldinho ayaa lasoo baxay kubadi lagu yaqaanay, iyadoo hada la saadalinayo in laga yaabo in xulka loogaga yeero.

Dinho ayaa hada ah ninka hogaanka u hayo gool dhalinta horyaalka dalka Brazil isaga oo waqti wanaagsan la qaadanayo kooxda Flamengo oo ka mid ah kooxaha ugu shacbiyada badan dalka Brazil.
Xidigi hore Barca ayaa hurdada ka toosay waxaana uu aad uga dhex muuqdaa naadiga isaga oo hada leh shan gool isla markaana ka caawiyey weeraryahanada kooxda gool kale.

Ninkani hada ka hor ku guuleystay abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan caalamka ee FIFA World Player of the Year ayaa ka maqnaa xulka qaranka shanti sano ee lasoo dhaafay kadib marki ay hoos u dhacday tayadiisii iyo farsamadi lagu yaqaanay.

Tababaraha kooxda Flamengo Vanderlei Luxemburgo ayaa rumeysan in Ronaldinho uu noqon doono laacib dib u dhasho kana muuqdo fagaarayaasha kubada ee caalamka.

Sabtidi lasoo dhaafay waxa uu dhaliyey gool lala yaabay isaga oo daqiiqadi ugu danbeysay qalka ka geliyey shabada kooxda Coritiba ciyaar ka tirsaneyd horyaalka, goolkaasi ayeynka kooxda Flamengo ku badisay.
31 jirkaan ayaa hadafkiisa koowaad waxa uu yahay sidi uu u ciyaari lahaa koobka aduunka ee sanadka 2014 lagu qaban doono dalkiisa hooyo ee Brazil,Waxaan sugeynaa wacdaraha uu dhigidoono hadii ilaah yiraahdo.

Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


page 2 page 3 page 4 page 5 page 6 page 7 page 8 page 9 page10

© Ciyaaraha Dunida 2011 Mohamed Mokhtar