Akhbaaraha
Maqaalada Ciyaaraha
Video
Wareysi
Quraan
Contacts

 

 

 

 

 

 

 

 

 

15 maj, 2011

 

Lionel Messi oo muujiyay inuu yahay xiddiga aduunka

 
Barcelona's Argentinian forward Lionel M
Number of View: 1262

MADRID (CIYAARO)—Lionel Messi oo u dabaaldagaya sanadkii 2aad oo isku xiga inuu yahay ciyaaryahanka aduunka ugu fiican ee heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa xalay dhaliyay wax loo yaqaan hat trick,  ciyaartii ay Barcelona 5-0 kaga adkaatay Real Betis tartanka Copa del Rey heerkiisa quarterfinals, wuxuuna kulankaasi kooxda horyaalka Spanish-ka heysata u yahay kii 27aad ee aan laga badin.

 

Messi, oo xiddignimada aduunka ka qaaday Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez ayaa caalamka wuxuu tusay sababta uu u yahay  xiddiga ugu fiican caalamka (world player of the year).

Messi goolkiisii 3aad ee ciyaarta wuxuu dhaliyay daqiiqadii 73aad, wuxuuna goolkaasi noqday kii 31aad ee uu dhaliyo xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamadii uu ciyaaray

Barcelona's Argentinian forward Lionel Messi (C), flanked with Barcelona's midfielder Xavi Hernandez (R) and Barcelona's midfielder Andres Iniesta (L), poses with the 2010 Ballon d'Or trophy (Golden Ball) for the best European footballer of the year prior to the Copa del Rey (King's Cup) football match FC Barcelona vs Real Betis on January 12, 2011 at the Camp Nou stadium in Barcelona. AFP PHOTO/ LLUIS GENE (Photo credit should read LLUIS GENE/AFP/Getty Images)

Messi, waa markii 3aad ee uu xilli ciyaareedkaan dhaliyo hal ciyaar ah 3 gool. 2da gool ee soo hartay waxaa ku kala daray Pedro Rodriguez, iyo Seydou Keita.

Real Madrid waxey caawa la ciyaari doontaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid halka Almeria ay wajihi doonto Deportivo La Coruna heerka quarterfinal-ka ee tartankaan.

Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar

Sheikh

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


page 2 page 3 page 4 page 5 page 6 page 7 page 8 page 9 page10

© Ciyaaraha Dunida 2011 Mohamed Mokhtar