Akhbaaraha
Maqaalada Ciyaaraha
Video
Wareysi
Quraan
Contacts

 

 

 

 

 

 

 

 

 

15 maj, 2011

 
 
Halyeeyga kubada cakta dalka Argentine Diego Maradona ayaa si rasmin ah u gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu ka bilaabayo shaqada tababaranimada ee kooxda Al Wasl.

Maradona ayaa mudo iminka laga joogo sadex bilood waxaa loo magacaabay xilka tabaaraha kooxdan oo ka mid ah naadiyada heerka koowaad ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Macalinki hore ee xulka Argentina Diego Maradona ayaa shalay kala qeybgalay taabarki ugu horeeyey ciyaartooyda kooxda Al Wasl marki uu gaaray todobaadkan magaalada Dubai oo ay kooxdan ka dhisantahay.

Maradona oo ah 50 jir ayaa waxaa tababarka uu bixiyey waxaa kasoo qeybagalay wariyaal fara badan oo daawanayey isaga oo goobta kula hadlay saxaafada.

Todobaadki hore kooxda Al Wasl waxay lasoo wareegtay laacibka u dhashay dalka Uruguay Juan Manuel Olivera oo ay ka keentay kooxda Penarol, arrintaan ayaa ka danbeysay marki uu Marodona ku taliyey sidaasi.

Gudoomiyaha kooxda Al Wasl Marwan bin Bayat ayaa sheegay in joogitaanka Maradona ay muhiim u tahay magaalada Dubai iyo kubada cakta Imaaraadka Carabta
 
 
 
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhyaar Sheikh

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


page 2 page 3 page 4 page 5 page 6 page 7 page 8 page 9 page10

© Ciyaaraha Dunida 2011 Mohamed Mokhtar