![]() | |||||
|
Akhbaaraha |
Maqaalada Ciyaaraha |
Video |
Wareysi |
Quraan |
Contacts |
|
|
15 maj, 2011
M.United oo la galbatay koobkii 19aad ee Premier League![]() LONDON, (CIYAARAHADUNIDA.COM )Manchester United ayaa la galbatay koobkii horyaalnimada dalkeeda markii 19aad taariikhdeeda markii ay 1-1 la gashay Blackburn Rovers sidaana ay ku heshay dhibicdii ay u baahneed in ay hesho si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League. Brett Emerton ayaa Blackburn u dhaliyay goolka ay la hormartay daqiiqadii 20aad ee ciyaarta ka hore intii uusan Wayne Rooney u dhalinin United goolka bareejada ah daqiiqadii 73aad kaasoo ahaa mid rigoor ah.Dhibicdaasi ay heshay United waxey u sahashay iney 7 dhibcood ka sara marto Chelsea oo xitaa hadii ay badiso 2da kulan ee u hartay aysan soo qabin karin. Rooney goolkaasi uu dhaliyay wuxuu u ahaa kiisii 15aad ee uu ka dhaliyo xilli ciyaareedkaan horyaalka dalkaasi. Manchester United waxey sidaa ku noqotay kooxda ugu hanashada badan horyaalka England waxeyna xilkaasi kale wareegtay Liverpool oo 18 koob hoorey u xalaaleysatay. Sunni Said Salah |
| |||
| page 2 | page 3 | page 4 | page 5 | page 6 | page 7 | page 8 | page 9 | page10 |