Brazil Legend, Socrates Oo U Geeriyooday Xauun Aad U Daran Uu La Il Danaa Bilihii Ugu Danbeeyay

Kabtankii iyo xidigii hore ee reer Brazil Dr Socrates ayaa u geeriyooday xanuun uu bilihii lasoo dhaafay la il darnaa, waxaana hada laga soo saarayaa meydkiisa isbitaal ku yaala magaala Sao Paulo.

Marxuumkan oo ay inta badan xasuusan dhalinta hada waxa uu ahaa halyey aad looga jeclaa dalkiisa Brazil iyo inta kubada jecel aduunka, isagoo kabtan u ahaa xulkii Brazil koobka aduunka sanadkii 1982kii ku haray wareega siddeedam waxaana aad loo daawadaa ilaa hada kulankaas oo ay Italia reebtay Brazil.

   

Dr Socrates waxa uu ka ciyaari jiray qadka dhexe, isagoo ahaa nin aad ugu xaragooda kubada, dhaliya goolasha, isla markaana lahaa maskax iyo baasas aad u yareyd in la fahmo halka uu u wado, warbaahinta qaar ayaana ku sheega nin aad uga duwanaa ciyaartoyda kubada cagta gaar ahaan kuwa aadka u dheer, iyagoo ku sheegaa nin dheer hadana leh farsamo mucjisa ah.


Xidigan geeriyooday ayaa safka hore uga jira halyeeyadii soo maray dalka lagu qadariyo kubada cagata ee Brazil, taageerayaal badan ayaana si aad ah uga naxay una ilmeeyay markii ay maqleen geeridiis.

      Waxaa diyaariyay maxamed Mukhtaar Sheilkh

              

 
   
   
   
   
   
   
   
   

 Copyright 2011 Cayaaraha Dunida