Gudoomiyaha GOS Wiish oo hambalyo u diray gabdhihii Hore k/kolkeyga Soomaaliya
Gudoomiyaha guddiga Olympic-da Soomaaliya Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa hambalyo u diray gabdhihii xulka qaranka iyo kooxihii heerka 1aad ee kubadda koleyga dalka Soomaaliya, kuwaasoo shir ay dhawaan ku yeesheen finland ku doortay maamul cusub oo ka shaqeyn doona horumarinta k/koleyga Soomaaliya.
Shirka oo mudo 2 maalin ah socday ayaa waxaa iskugu yimid 13 gabdhood oo ka mid ah gabdhihii ugu caansanaa ee kubadda koleyga Soomaaliya, iyadoo Gudoomiya GOS Wiish uu kaga qeygalay Qadka telefonka.
Shirka ay gabdhuhu ku yeesheen Finland oo looga hadlay sidii loo hormarin lahaa kubadda koleyga Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu taageero k/koleyga Soomaaliya.
Intii uu shirku socday waxey habluhu ku doorteen maamul cusub oo kala ah
Miski Omar Osman Gudoomiye ururk Haweenka k/koleyga Soomaaliya
Saciido Nuur Wariiri Gudoomiye ku xigeen Haweenka k/koleyga Soomaaliya
xawa kiin gu.ku.xegeenka gudiga gabdhaha K/Koalayga
Barliin Cadaawe Gudoomiye ku xigeen Haweenka k/koleyga Soomaaliya
Istaahil Abdulahi Xoghayah guud ee Haweenka k/koleyga Soomaaliya
“anigoo ku hadlaya magaca Guddiga Olympic-da Soomaaliyeed waxaan hambalyo u dirayaa gabdhihii Xulka Qaranka iyo kooxihii heerka 1aad ee kubadda koleyga oo sameeyay taariikh aan la Iloobin doonin maadaama markii ugu horeysay ay inta meel iskugu yimaadaan ay sheegeen iney ka shaqeyn doonaan sidii k/koleyga loo horumarin lahaa” Gudoomiyaha GOS Aadan Xaji Yabarow Wiish) ayaa sidaa ku sheegay war murtiyeed uu soo saaray.
Gudoomiye Wiish wuxuu sidoo kale amaan u soo jeediyyay maamulka ururka KANAVA oo martigaliyay shirka gabdhaha, gudoomiye ku xigeenka xiriirka k/koleyga. Ccasiis Godax Barre, Macalin Shiino Guhaad, Macalin Sacad Cumar Geedi iyo shaqsiyaadkii kale ee gacanta ka geystay qabsoomid shirkaasi muhiimada gaarka ah u lahaa
waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
mamushe124@hotmail.com