![]() | ||||
|
Waxaa Magaaladda Helsinki ee caasimadda Finland ka dhacay shir taariikhi ah oo markii ugu horeysay ka dhaca qurba ama gudaha Soomaaliyaba,shirkaas ayaa waxaa isugu yimid gabdhihii xulka qaran iyo heerka koowaad ee kubadda koleyga Soomaliyeed.
Miski Cumar Cusmaan Xawo Maxamuud Cabdulle Gudoomiyaha Gudiga G.K Xegeenka Gudiga
Barliin Maxamuud Cadaawe Istaahil Cabdulaahi G.K.Xegeen,ahna Kaaliyaha Xoghayaha Xoghayaha Guud (Holand)
Hindi maxamed Cariif Cambaro Maxamuud Siyaad Wakiilka Washinton Wakiilka Finland
Astur Jaamac Cilmi Safiyo Maxamuud Gudaal Wakiilka Sweden Wakiilka London
Maryan Ciise Cabdi Asli maxamed Samatar Wakiilka Stockholm Wakiilka Norwey Shirka ayaa waxaa uu ka socdey magaalada Helsinki muddo afar maalmood ah,shirkan ayaa waxaa uu ka koobnaa qaybo badan oo Maalintii koowaad waxaa ay ahayd mid soo dhaweyn ah, maalintii labaadna waxaa ay ahayd iswaraysi iyo warbixino,maalintii sedexaadna waxaa uu shirka ahaa mid ay gabdhaha kusuubsanayeen maamul cusub oo ay yeeshaan gabdhihii hore ee kubadda koleyga iyo guud ahaanba isboortiga qaybihiisa kaladuwan,maalintii ugu danbeeysana waxaa ay ahayd maalin ay martisharaftii ku laabanayeen wadamadii ay kakala yimaadeen.
Shirkan ayaa waxaa uu lahaa workshop kasoo oo looga hadlayey laba arimood oo kala ahaa:1.Sidee loo hormarinkaraa isboortiga Guud ahaan gaarahaan kubadda koleyga.2.Wadadee loo marikaraa horumarintaas. Workshopkan ayaa waxaa kasoo baxay wax badan oo aan isdhihi karno waxaa ay noqondoonaan kuwo lagu hormariyo kubadda koleyga. Maalintii sedexaad ayaa waxaa loo gudbay shirkan qaybtiisii ugu weynayd uguna muhiimsanayd oo ahayd shirka qaybta ay gabdhaha kusamaysanayeen urur ay isku maamulaan isla mar ahaantaan ay isaga warqabaan dhamaantood. Shirkan Gabdhaha ayaa waxaa kasoo baxay arimmo dhowr ah oo aan isleenahay waa kuwo muhiim ah,waxaana ay kala yihiin 1.Inaysamaysteen maamul ay leeyihiin gabdhihii hore ee kk. 2.Inay diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan XSKK iyo GOS-ba wixii horumarinta isboortiga kusaabsan3.Inay si joogta ah ula xiriiraan gabdhihii hore ee kubadda koleyga ee ku dhibaataysan wadankii hooyo.4.Inay soo ururiyaan gabdhihii hore iyo kuwa cusub ee kubadda koleyga.Shirkan ayaa waxaa qayb weyn kasoo qaatay abaabulkiisa aana isleenahay waxaa uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyey kaalinta halyeeynimo ee uu kasoo qaatay qabsoomida shirkan Macalinkii Qaranka Gabdhaha Soomaliieed Macalin Shiine Mxamed Guhaad,wxaa sidoo kale kaalin buuxda ka qaatay Macalinka Macalimiintoodsa Macalin Sacad Cumar Geedi,waxaa sidoo kale kaalin aan lailobi karin ka qaatay Garsoore Maxamed Muqtar Sheikh Xubnaha Lagu Doortay Shirweynaha 1aad ee Gabdhihii Hore K/Kolayga Soomaaliyeed Guddigii Sare gabdhahii hore ee k.koleyga 1.Miski Omar Osman ( Hubar) Guddoomiye 2.Hawa Mohamud Cabdulle Guddoomiye kuxigen 3.Saida Nur AbukaWariiri) Guddoomiye kuxigen/Wakiilada 5.Barlin Mohamud Cadaawe Guddoomiye Kuxigen /Kaaliye Xoghaye 6.Istahil Abdullahi Xoghaye Guud ( .Asli Maxamed Samarar Qasnaji Guud ( Norwey) 8.Wasris Muuse Cabdulle Kuxigen Qasnaji (Norwey) 9.Shukri Maxamed Nuur( Dhalbas) Wakiilada North /ton 10.Astur Jama Elmi Wakiilada Sweden 11.Hindio Mohamed Arif Wakiiladda 12.Maryan Ibrahim Jama Wakiil 13.Suad Diriye Wakiilada 15.Ambaro Mohamud Siad Wakiilada Finland 16.Maryan Issa Wakiilka Stockholm 17.Safia Mohamud Gudale Wakiilka Londan 18.Luul Aadan Shiddo Wakiilka London 19.Naley Cabdi Gacal Wakiilka
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Shrikh |
||||
© Copyright 2011 Cayaaraha Dunida