Cayaaryahankii dhalitat Goolkii Mucjisada iyo Yaabka badnaa

                            

  Goolkan ayaa ka mid ahaa 7-2 oo ay xulka Imaaraadka Carabta kaga badiyeen kooxda qaranka ee dalka Lubnaan, waxaase arrinta layaabka leh ay aheyd iyadoo goolhayaha Lubnaan uu qaban waayey kubad lagu darbeeyey ciribta oo waliba rigoore ah.

Awana oo ah 21 jir ayaa goolkaasi uu dhaliyey waxa ciyaarta ay ka dhigtay 6-2, waxaana kulankaasi oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi Axadi lasoo dhaafay uu noqday kulan dad badan ka qosliyey
.
 

Laakin tababaraha xulka Imaaraadka Srecko Katanec ayaa arrintaasi ka carooday waxaana uu ku tilmaamay arrin anshax darro ah.
Waxaa uu dubadiiba badalay ciyaaryahanka oo awalba badal kusoo galay, sidoo kale laacibkaan ayaa goolkaasi ku mutesystay calaamada jaalaha ee digniinta.

Macalinka xulka qaranka Lubnaan Lebanon Emile Rustom ayaa laakin sheegay in rigoorahaasi uusan aheyn mid aflagaado ah waxaana uu ku sheegay go,aan shaqsiyadeed

 

                  Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh.

                                                                                                                                           

                                         

                           

 
   
   
   
   
   
   
   
   

 Copyright 2011 Cayaaraha Dunida