Waxaa galabta guul taariikhi ah gaaray xulka gabdhaha kubadda kolayga Soomaaliyeed ka dib markii ay afka ciidda u geliyeen xulka gabdhaha ee dalka Qatar cayaar ka tirsanayd tartanka jaamacadda carabta.

Guushan taariikhiga ah ayaa waxay xulkeenu uga adkaadeen xulka dalka Qatar oo uu daawanayey boqorka dalkaasio dhibco dhan 67-57 taasoo ka dhigaysa in ay uga adkaadeen 10 dhibcood ayadoo la ogyahay dhibaatada laga soo maray soo aruurinta iyo tababaridda gabdhahan dhiigooda u huray dalkooda.

Cayaartan ayey xulka gabdhaha Soomaaliyeed muujiyeen dadaal aad u sareeya ayadoo gabdhihii wacdaraha ka dhigay galabta cayaartan ay ka mid ahayd gabadhda lagu magacaabo Maryan Xuseen oo ayadu dhalisay dhibco dhan 23 dhibcood.


Waxaa ayaguna galabta garoonkan oo ay daawashada cayaartan ka soo qaybgaleen shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Doha wacdaro ka dhigay dhamaan gabdhaha xulka waxayna muujiyeen dadaal aad u farxad geliyey shacabka Soomaaliyeed mee kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwii goobjooga ka ahaa guushan taariikhiga ah.


Guushan xulka gabdhaha Soomaaliyeed iyo guuldarada xulkii martida loo ahaa ee dalka Qatar ayaa waxaa hubaal ah in ay maalmaha soo socda ka noqon doonto wararka ugu hadalhaynta badan ee cayaaraha jaamacadda carabta maadaama aad looga wada dheregsan yahay farqiga u dhexeeya labadan dal xaga cayaaraha iyo waliba horumarkaba.


Xulka gabdhaha soomaaliyeed ayaa waxaa horey uga soo adkaaday cayaartoodii ugu horeysay xulka dalka Masar, waxaanan filaynaa in ay cayaaraha u harsan xulkeenu ay sidii galabta oo kale ka soo hoyn doonaan guul.

Bahda Cayaarahadunida.com ayaa hambalyo u diraysa madaxda GOS, XSKK, macalimiinta iyo waliba gabdhihii ka tirsanaan jiray cayaartoydii hore ee kubadda kolayga ee ayagu mudada dheer ku soo hawlanaa qabanqaabada iyo isku keenidda xulkan waxaanan u rajaynaynaa in ay guushan iyo kuwa ka badanba uga farxin doonaan shacabka soomaaliyeed.

Cayaarahadunida.com
Mamushe124@hotmail.com