![]() | ||
![]() |
Kooxda K/Kolayga Toronto Stars oo iyadoo aan laga badin ku guuleysatay Koobka Ciyaaraha xagaaga Sweden 2011 . Ciyaar aad u xiiso badneyd oo labada Kooxood ku dhexmartay garoonka Sporthall ee magaalada Stockholm ayaa waqtigii loogu talagalay waxaa ay ku soo dhamaatay 83—62 oo ay ku adkaatay Kooxda Toronto Star.
Markii ay ciyaarta dhammaatay ayay ciyaartoy ay soo xusheen oo labada kooxood ka tirsan waxaa loo dhigay tartanka toogashada dheer ee seddexda dhibcood iyo Dunk, waxaana labadana waxaa ku guuleysatay Kooxda Toronto Star.
Kooxda Toronto Star oo ay hoggaaminayeen Liibaan Barafuun (Liibaan Gacameey) iyo C/qaadir Jaajaale (Jeeri) ayaa waxaa ay ka koobnaayeen 10 ciyaartoy oo oo 7 ka mid ah ay nasiib u yeesheen in ay ciyaaraha saftaan. Maxamuud Cumar Abla oo ka tirsan Kooxda ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican, Tahliil Maxamed Abaadir ayaa isna ku guuleystay abaalmarinta toogashada toosan ee seddexda dhibcood, halka uu Ehirim Iheanyichukw uu ku guuleystay abaalmarinta Dunk
Intaas kaddib waxaa ciyaaraha lagu soo gunaanaday munaasabad ay hadallo ka jeediyeen mas’uuliyiin Isboorti, iyadoo koobkii iyo abaalmarinno lagu bixiyay munaasabadda oo ay goob-joog ka ahaayeen dadweyne aad u faro badan oo ka soo qeybgalay ciyaartii kama dambeysta ahayd. Munaasabadda gunaanadka ciyaarta waxaa ka hadlay Ku simaha Guddoomiyaha SKIF Abuukar Cabdulle Dhabarey, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgelayay tartanka intii ay ciyaaraha socdeen, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay guddiga SKIFiyo Odayaasha Isboortiga ee isku howlay in ay ciyaaraha Kubadda Kolayga qabsoomaan, wuxuuna rajeeyay in sanadka soo socda ay ciyaaraha u qabsoomaan si ka wanaagsan sida sanadkan loo qabtay.
Sanadkan waxay ahayd in aan ciyaaraha ku qabanno garoonka Rinkeby laakin sababo jiro aawadood taasi ma suurtoobin, laakin sanadkan dambe ayaa jecelnahay in aan ciyaaraha ku qabsanno garoonkeenii hore oo dib u habeyn lagu sameeyay, waxaana mar kale ka cudurdaaraneynaa in ciyaaraha sanadkan lagu qabtay meel aaney dadka wada aqoonin” ayuu yiri Abuukar Cabdulle Dhabarey. Guddoomiyaha SEUKI Wali Maalin Shaaciye ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay intii ciyaaraha soo abaabushay iyo ka soo qeybgalayaasha, kaddibna wuxuu ka soo qeybgalayaasha u sheegay in maalinta berri ah ay jirto ciyaar final ah oo Kubadda Cagta ah oo dhexmari doonta Kooxaha Leicester (UK) iyo Xiddigaha Rågsue.
C/qaadir Bootaan Isoomareey oo ka mid ah Odayaasha Isboortiga Soomaaliyeed ayaa isna lagu casuumay in uu munaasabadda ka hadlo, wuxuuna hadalkiisa ku soo koobay in la joogteeyo Isboorti mid ah, kaddibna wuxuu hambalyo iyo ammaan u jeediyay kooxdii ku guuleysatay iyo kooxdii aan ku guuleysan intaba. Danjire Maxamed Caalim ayaa sidoo kale ka hadlay, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dadkii soo qaban-qaabiyay tartanka, kaddibna wuxuu u ammaan u jeediyay dhalinyaradii Kooxda Toronto Star ee koobka ku guuleysatay, kuwaasi oo uu sheegay in ay xitaa u qalmaan in ay metelaan Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya.
Saacid Cumar Geeddi oo ka mid ahaa Macallimiintii Isboortiga Soomaaliya ayaa ka hadlay munaasabadda, wuxuuna hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay in uu ku faraxsan yahay ciyaaraha la soo gebagebeeyay iyo in uu goob-joog u ahaado, wuxuuna dabadeed u mahadceliyay guddiyada soo wada qabanqaabiyay ciyaaraha Kubadda Kolayga. Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mr. Siciid Faarax Ducaale oo marti u ah bahda Isboortiga Sweden ayaa ka hadlay munaasbadda, wuxuuna sheegay in uu la yaabsan sida dadka Swed
en iyo Bahda Isboortiga ay u taageerayaal dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee Stockholm ka socda.
''''
Guddoomiyaha SKIF Abuukar Aadan Deeqow (Boos Caato) oo safar deg deg ah ugu baxay dalka Ingiriiska ayaa mar uu HOL la soo xiriiray wuxuu u sheegay in uu u mahadcelinayo Guddigii SKIF iyo Odayaasha Isboortiga ee soo qaban qaabiyay Ciyaaraha Kubadda Kolayga, wuxuuna sidoo kale mahadcelin u jeediyay kooxihii ka soo qeybgalay iyo weliba dadweynihii u soo daawasho tegayay intii ay ciyaaraha socdeen. Ugu dambeyntiina, waxaa munaasabadda lagu bixiyay Koobkii loo dhigay kooxihii tartanka ka qeybgalay, sidoo kalena waxaa abaalmarinno la siiyay shakhsiyaad howlo kala duwan qabtay intii ay ciyaaraha socdeen, kuwaasi oo lagu abaal-mariyay kaalintii ay ka geysteen in uu guuleysto tartanka K/Kolayga.
|
|