FIFA oo 186 cod Madaxweynanimo ugu dooratay Blatter

ZURICH (CIYAARAHADUNIDA.COM )—Joseph Sepp Blatter ayaa 4ta sano ee soo socota waxaa madaxweyne inuu ka sii ahaado loogu doortay hay’adda maamusha k/cagta aduunka ee FIFA caawa oo arbaco ah, xilli ay FIFA hareeyeen fadeexado la xariira laaluush xoogan, waana sababta ka dhigtay inuu kaligii tartanka doorashada isku soo taago markii ninkii la tartamayay banaanka loo tuurtay laaluush dartii .
Blatter, waa 75-sano jir u dhashay dalka Swiss kasoo xafiiska kursiga madaxweynanimada FIFA ku fadhiyay ilaa 1998, hayeeshee markaan wax loo doortay 4tii sano ee ugu danbeysay ee ii kursigaasi ku fadhalin lahaa sida ay sheegeyso natiijada ka soo baxday shirweynihii guud ee FIFA.
186 xiriir codkooda ayuu helay, iyadoo ay codeeyeen 203 xiriir oo ururkaasi ku jira.
Kadib todobaad fadeexado ah, muran badan iyo loolan la’aan xagga jagada ah ayuu Blatter soo galay hall-kii shirweynaha markii lagu dhawaaqay inuu xilka FIFA ku guuleystay, waxaana Blatter lagu soo dhaweeyay sacab diiran oo farxad wata.
IFA president Joseph Blatter enters the Hallenstadion after being re-elected as FIFA president during the 61st FIFA congress on June 1, 2011at the Zurich Hallenstadion in Zurich. Blatter was re-elected with 186 votes. AFP PHOTO / SEBASTIAN DERUNGS
Wuxuu yiri Blatter “Vamos!” oo ah erey Spanish ah oo la ,micno ah “Let’s go!”
“Waxaan dib u saari doonaa FIFA markabka saxda ah si ay u soo baxdo cadaalad sax ah oo nadiif ah,” isagoo hadalkiisii sii wata, kuna qudbeenayay luuqada French. wuxuu yiri “waxaana u baahanahay waqti. ma sameyn karno cadaaladaasi maantay iyo maalinta ku xigta. waxey ii aheyd dagaal cusub waana aqbalay wixii dhacay.”
Doorashada ayaa mar waxey ku sigatay in la baajiyo markii qorshe ka dhan ah ay la yimaadeen xiriirka FA England , kuwaasoo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada maadaama aysan jirin wax la loolamaya Blatter laakiin arrintaasi waxaa diidmo xoogan kala horyimid xiriiradii kale.
Ushers empty ballot boxes during presidential voting on June 1, 2011 at the 61st FIFA congress at the Zurich Hallenstadion in Oerlikon near Zurich. FIFA president Sepp Blatter is set to be re-elected head of world football
Saacado ka hore intii aan la dooran Blatter wuxuu balan qaaday in awooda FIFA la balaarin doono si fadeexadaha loola dagaalamo , wuxuuna sheegay in hada kadib ay 208 xiriir ee FIFA hoos taga ay dooran doonaan koobka aduunka dalka qabanaya halkii ay markii hore ka aheyd in 24-nin ee ugu sareeya FIFA ay codkaasi lahaayeen oo ay dooran jireen .
Blatter, ninkii kula loomayay jagada caawa loo doortay ee dalka Qatar u dhashay kana mid ahaa guddiga fulinta Mohamed bin Hammam, ayaa ka baxay doorashada markii ay fadeexado hareysay isla markaana waxaa loo diiday inuu howlaha FIFA soo dhexgalo oo uu doorashii maantay xitaa uu yimaado markii lagu eedeeyay inuu lacag $40,000 ah uu siiyay xiriirada qaarada Caribbean si ay ugu codeeyaan. sidoo kale madaxweyne ku xigeenkii FIFA Jack Warner oo u dhashay Trinidad ayaa sidoo kale laga mamnuucay doorashadaan markii lagu helay danbi ah inuu ku lug leeyahay laalushka xiriirada qaaradiisa la siiyay.
ZURICH-SWITZERLAND-JUNE-01-Counting-of-the-vote-takes-place-during-the-61st-FIFA-Congress-at-Hallenstadion-on-June-1-2011-in-Zurich-Switzerland
Gudoomiyaha xiriirka England’s FA David Bernstein ayaa ku baaqay in doorashada FIFA mudo bilo ah dib loo dhigo si loo sifeeyo fadeexadaha FIFA hareeyay. Hayeehsee waxaa diiday 172 xiriir oo ka mid ah 208 xiriir ee doorashada u yimid iney ka qeybgalaan taasoo fududeysay iney doorasho sii socoto.
Blatter ayaa sheegay in fadeexadii ugu xumeyd ee FIFA ay iyada laftigeeda xalin donto isagana uu mas’uul ka noqon doono.
during the 61st FIFA Congress at Hallenstadion on June 1, 2011 in Zurich, Switzerland.
“Markabka FIFA waxaa la dhexdhigay biyo dhibaateysan , hayeeshee dib ayaa wadada saxda ah loogu soo celling doonaa markabkaasi,” Blatter ayaa sidaa ka sheegay shirweynaha FIFA markii la doortay kadib. “Aniga ayaa ah captain-ka markabkaasi.”
FIFA lacag aan caadi aheyn ayeey ka sameysaa tartamada koobka aduunka ee ay qabto taasoo gaareysa $631 million oo faaiido ah sanadkii ugu danbeeyay ee 2010 koobkii aduunka ee South Africa, lagu qabtay waxey ka heshay $202 million oo faaiido ah.
$4.19 billion waxey ka soo gashaa warbaahinta iyo heshiisyada xagga ganacsiga la xariira.
during the 61st FIFA Congress at Hallenstadion on June 1, 2011 in Zurich, Switzerland.
Blatter marka lagu daro 4ta sano ee dib loo doortay waxey tirada guud ee uu xafiiska FIFA ku fadhiyay ka dhigeysaa 17 sano. marka lagu dare 24 sano oo uu hogaanka FIFA hayay ninkii uu xilkaan ka dhaxlay ee Joao Havelange, taasi micnaheeda wuxuu yahay in k/cagta caalamka ay 2 nin iska maamulanayeen 40kii sano ee ugu danbeysay.