![]() | ||
![]() |
Gudoomiyaha Ururka Nabadda iyo isboortiga Mudane Daahir Cali Kulmiye oo booqasho Gaaban ku yimid Magaalada Stockholm. Mudane Daahir Cali kulmiye Gudoomiyaha Ururka Nabadda iyo isboortiga , wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, taariikhdu markey1968 ahayd wuxuuna ku barbaary degmada Wardhigley Laanta 1aad ee Heybul oo ka tirsan gobolka Banaadir,Yaraantiisii wuxuu dugsiga Qur’aanka ku soo dhameystay dugsi ku yaalay degmeda Wardhigley, sidoo kale wuxuu dugsiga Hoose kaga baxay dugsigii la oran jiray (Kacaanka) oo ku yaalay degmada Shangaani, Dugsiga dhexe wuxuu dham wuxxu ku soo dhameystey waxbarashada dugsiga dhexe iyo sareba dugsigii la oran jiray Bartamaha. Isboortiga waxa uu mudanyahay in lagu abaabiyo dhalaanka soo koraayo waxa laga helaa caafimaad taam ah,waxa uu qayb ka qaataa koritaanka jireed iyo maskaxeed ee dhalinyaradda waxa laga hela sumcad iyo sharaf aan la koobi karin,waxay leedahay maalmo farxadeed oo aadan waligaa iloobin. Isboortiga waxa uu ku baraa is dhexgal bulshadeed ugu dambeyntii waxa laga kororsadaa kala dambeyn sida waxa afkiisa laga hayaa isagoo qiireysan Nabadoon Daahir Cali Kulmiye. Nabadoon Daahir Cali Kulmiye ahna Gudoomiyaha Ururka Nabada iyo isboortiga waxa uu ku soo dhex baarbaaray qoys Isboortiga Soomaaliyeed magaca iyo Maamusba ku leh kana soo qayb galay dhaqdhaqaaqa Isboortiga Soomaaliyeed 30 sano ee ugu dambeeyey . Nabadoon Daahir Cali Kulmiye waxa uu ku soo barbaaray Degmada Wardhigley halkaa oo ay ka soo baxeyn Ciyaayahano magac iyo maamusba ku leh Isboortiga Soomaaliyeed. waxaana Nabadoon Daahir Cali Kulmiye uu ka mid ahaa yaaraantiisii dhalinta u soo daawasho tegi jirtay garoonkii Kubadda Cagta ee Suuqa Xoolaha halkaa uu ku daawan jiray ciyaartoyda kala ah Marxuum Cabdulaahi Cabdi Dheemanka Madoow ,Shiino Cabdulle,Bashiir Jeenyo,Nuur Madbaco,Alas qandho, iyo kuwa kale waxaan Fursad Cayaarahadunida Masuulka oo safar gaaban ku yimid Magaalada Stockholm asagoo ku sii jeeday dalka Finland oo ay uga qeyb galayeen Cayaaro halkaas ka dhacaayay,mar aan ka wareysanay Hashisiintii uu ka dhexsameeyay labada Urur,sidii ay ugu suuragashay iyo Cidii Fikirkaas ku dhalisay,waxaa fikirkaas igu dhaliyay Mudane Cabdi Axmed,Cabdidheeg waxaan garab lama ilaabaan ah igu siiyayC/aadir Maxamed yusuf (Daauus) iyo Shiino Guhaad,Maxamed Ismaaciil,Shiino Cabdulle Madbaco,Muriidi Aba-nuur Abati Sheikh,Wariye Yusuf Yusuf,iyo dhamaan odayaasha Isboortiga. Ugu danbayntii Maadaama aad eheed Ninkii Curiyay Nabada ka dhalatay London kuna dhexjirted dhalinyarada UK yar iyo weynba Maxaa talo ah oo aad u soo jeedineysaa? Waxaan tallo ugu soo jeedin lahaa dhalinyarada wadanka gudahiisa iyo dibadiisa joogto in ay noqdaan kuwo ku fikira sidii ay wadankooda wax u tari lahaayeen, oo tiigsado in ay noqdaan ciyaartooy heer caalami. Wadankeenu caan ayuu ka ahaa xagga kubadda Cagta, kolayga C Fudud haday noqon lahayd Afrika , Carabta iyo Aduunka intiisa kale. In ay qayb ka qaataan sidii ay sumcadaas ku soo celin lahaayeen Nabadana ku dadaalaan iyo Wadajirka.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
|
|